Rasaas iyo Mudaharaadyo ka socda Magaalada Laascaanood

banaanbax laascaanood

Mudaharaadyo waaweyn ayaa ka bilowday Magaalada Laascaanood, kuwaas oo hadda isu bedelay rabshado.

Ciidamada Melateriga oo ku gaashaan baabuurta dagaalka ayaa hadda magaalada gudaheeda galay, iyagoo ridaya qoryaha waaweyn ee ka dhaca baabuurta tiknikadda loo yaqaano.

Magaalada Laascaanood waxaa maalintii 3aad yaala meydka nin shacab ah oo ciidamadu dileen, kaas oo beeshiisu diiday in la aaso, ilaa la keenayo askarigii toogtay.

Qaar ka mid shacabka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in loo adeegsanayo hubka culus, balse ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah nafeeda oo ay ciidamadu geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here