Hodan Siciid Naaleeye iyo seygeeda oo ku dhintay weerarkii Kismaayo

Hodan siciid naalaye

Waxaa isa soo taraya dadka ku dhintay weerarkii ku bilawday Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Madiina oo horay loo oran jiray (Hotel Cascasey).

Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd Gabar Caawin jirtay Haweenka danta yar, iyo wariye madaxbanaan oo aas aastay Integration TV.

Sidoo kale waxaa la geeriyooday Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac kasoo mid noqday Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.

Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, isaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka.

Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.

Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here