DF oo shaacisay in ay tallaabo ka qaadeyso shirkado dayacay xujeyda

0
xujey

Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina.

Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood.

Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay.

Sawirro laga qaaday Xujeyda islamarkaana la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya iyaga oo jiifa dhulka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr sharikadood u oggolaatay in ay Xujeyda Soomaalida geeyaan Xajka,waxaana jiray tartan la geliyay in ka badan 80 Sharikadood.

Tartanka ayey xukuumaddu sheegtay in ay ku soo baxeen 58 shirkadood kuwaas oo xaq u yeeshay in ay xujeyda daabulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here