XUBIN KALE OO ISKA CASILAY GUDDIGII UU CAMEY MAGACAABAY

Nabaddoon Khaliif Aw cali

Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku shaaciyay is-casilaaddiisa, waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin, islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa.

Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka, balse uusan qeyb ka noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is casilay 2 xubnood oo kamid ah, kuwaasoo kala ah; Axmed Aadan Carab iyo Khaliif Aw-cali.