Xubin ka mid ah guddiga dhaqaalaha Soomaaliya oo noqday Ra’isalwasaaraha Suudaan

rw sudan cabdalla xamduuk

Ra’isalwasaraaha cusub ee dowladda Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa uu xubin ka yahay Guddiga dhaqaalaha Qaranka ee Sanad ka hor uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Ninkan dhaqaaleyahanka ah waxaa u xushay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha dalka Suudaan Dalladda mucaaridka ah ee Suudaan oo bilihii la soo dhaafay wadahadalka kula jiray Golaha Milatariga ee dalka Maamulaya.

Ra’isalwasaaraha cusub, qofka calaameysan.

Guddiga dhaqaalaha Qaranka  Soomaaliya, ayaa waxaa la magacaabay sanad ka hor Bishii August 2018,waxaana ay ka koobanyihiin Ajaanib iyo Soomaaliya.

Cabdalla Xamduuk, la fadhiya Guddiga dhaqaalaha Qaranka Somaliya.

Magacyada Guddiga dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliya ee Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ayaa waxaa ay kala yihiin.

Dr. Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha HESPI, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu 10 sano la soo shaqeeyay IMF, waxaa uu muddo ku noolaa Tanzania iyo Itoobiya, waxaa uu la soo shaqeeyay Citibank iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa kale uu lataliye u noqday 30 dal oo Afrikaan ah.

Dr. Aues Scek: Dhaqaalaha ayuu PhD ka heystaa, waxaa uu lataliye u noqday dalal ay ku jiraan Kenya iyo Malawi, UNDP iyo meelo kalana waa ka soo shaqeeyay, waxaa uu ka shaqeeyay barnaamijka PFM, Jaamacado badan oo Yurub, Mareykan iyo Afrika ah ayuu bare ka soo noqday.

Dr. Xuseen Warsame: Waxaa uu ka dhigaa jaamacado badan, dalal badan ayuu lataliye u ahaa, waxaa kale uu horay u soo tababaray shaqaalaha bangiga dhexe, waxaa uu wax ka dhigay jaamacad u taalo Imaaraadka, UNIQWA koonfurta Afrika, CENRRUM oo Peru ah, waxaa uu la soo shaqeeyay dalal badan sida Congo, Cameron iyo Central Afrika, waxaa kale uu lataliye u ahaa bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xuseen M. Saciid: Waa dhaqaaleyahan, 30 sano khibrad ah ayuu heystaa, waxaa uu tababar iyo latalin siiyey dalal badan sida Kenya, Lebnon, Zimbabwe iyo Somalia, waxaa uu la shaqeeyey Bangiga adduunka, IMF, USAID, ADB iyo UNDP, waxaa uu noqday wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya.

Sakhawudiin Mustafa Maxamed: Waa dhaqaale yahan heysta PhD, Minnesota ayuu wax badan ka soo shaqeeyay, waxaa kale uu lataliye u ahaa hey’ado badan caalamka ah, hey’adaha uu la shaqeeyay waxaa ka mid aha Oslo Center of peace foundation iyo kuwa kale oo caalami ah, waa khabiir dhaqaale.

Kuwa Caalamka Ka Socda:

Dr. Abdalla A. Hamdok: Waxaa uu mas’uul sare ka ahaa UNECA, PhD waxaa uu ka heysaa dhaqaalaha, dalal badan oo bariga dhexe iyo Afrika ayuu la shaqeeyey, dalalka Afrikaanka ah ee uu caawiyey waxa ka mid ah Zimbabwe, Cote d’ivoire iyodalkiisa  Sudan ee uu hadda Ra’isalwasaaraha ka noqday.

Dr. Peter J. Middalebrook: Waxaa uu dhaqaaleyahan ahaan ula soo shaqeeyay Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo UK, 40 dal ayuu la shaqeeyey, waxaa uu qeyb ka aha qorshe loogu magac daray”US$100 billion Arab stabilization plan”, shaqadiisa waxaa tabiyey CNN, BBC, Time Magazine iyo Bloomberg.

Dr. Edward Sambili: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, 33 sano khibrad ah ayaa u wehlisa, UNDP Kenya ayuu muddo joogay, waxaa uu ahaa xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta Kenya, aragtida 2030 wax badan ayuu ka qabtay, waxaa uu madax ka ahaa waaxda canshuuraha 2016-2018, intii u dhaxeysay 2001-2005 wxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Kenya.

Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, waxaa uu bare ka ahaa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Nairobi wixii ka dambeeyay 1983dii, waxaa uu qeybta dhaqalaha madax ka ahaa markii dabmaba xogheyaha joogtada ah ka noqday wasaaradda bey’adaha, wasaaradda dhulka iyo dib u dejinta, waxaa kale uu madax ka ahaa beeraha iyo horumarinta miyiga inta u dhaxeysay 1999-2001, waxaa kale uu madax ka noqday ICDC.

Xigasho: Mustaqbal Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here