Wasiir Jamaal oo ku guulaystay kursiga baarlamaanka ee beeshiisa

jamaal siciid sonna

Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku guulaystay kursiga baarlamaanka ee beeshiisa, kaasoo uu baneeyey xildhibaankii hayey.

Doorasho ka dhacday magaalada Garowe ayaa cod loo qaaday Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Wasiir Jamaal ayaa helay 49 cod, laba codna waa xumaatay, halka murashaxii la tartamayey uusan waxba helin.

Codka waxaa dhiibanayey ergo ka socotay beesha kursiga leh, waxaana doorashada maamulaysay guddoomiyaha guddiga Doorshooyinka ee Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).

Murashaxii laga guulaystay, Maxamuud Cabdullaahi Maxamed oo aan wax cod ah helin ayaa goobtii codbixintu ka dhacaysay ka sheegay inuu ku qanacsan yahay qaabka ay codayntu u dhacday. “Waan tartamay, waana ;la iga guulaystay, waanan ku faraxsanahay sida ay doorashadu u dhacday” ayuu yiri”

Talaabada ku xigta middan ayaa ah in loo dhaariyo wasiir Jamaal xildhibaannimada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa intooda badan xubno ka ah baarlamaanka federaalka, waxayna door weyn ka cayaaraan go’aannada khuseeya xukuumadda ee uu baarlamaanku gaaro.

Wasiirka dastuurka ee xukuumadda federaalka, Cabdirasmaan Xoosh Jibriil, oo u hambalyeynaya wasiir Jamaal oo ka mid noqday wasiirrada xukuumadda ku jira ee baarlamaankana xubnaha ka ah ayaa bartiisa Facebook ku qoray qoraal af ingiriis ah oo si kaftan ah uu ula mid dhigayo wasiirradaas barlamaankana ku jira sidii cayaartoyda kubadda cagta ee caanka ah.

Wuxuu ku sifeeyey Jamaal inuu la mid yahay xiddiga kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax.