Warar ka cusub xaalada cakiran dalalka Somalia iyo Kenya

somalia kenya flag

Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray inay hakiso sii xumaashada khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wafdi xaqiiqo raadin ah u dirtay xadka labada dal ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Tallaabadaas waxay ku timid shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee maalintii Isniinta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo ay isku arkeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo qiratay in cadaadis lagu saaray in ay aqbasho dib u dajinta xiisadda, ayaa sheegtay in ay dalbatay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro xadka, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland laga soo abaabulay gudaha Kenya, ayna ku sugan yihiin xadka Mandheera ee dhinaca kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa warbaahinta u sheegay in wafdi ka socda Jabuuti – oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan loo diray xadka kala qeybiya Beledxaawo iyo Mandheera, si ay xaaladda ugu soo kuur galaan.

Kooxdaas ayaa laga dhowrayaa inay xog kula noqoto Jabuuti, iyadoo halkaas laga sii amba qaadi doono dadaalka iyo tallaabada xigta.

Dhawaan ayuu wasiirku sheegay in dowladdiisa loo xil saaray qaboojinta xiisadda u dhaxeysa labada dal ee dariska ah.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yidhi wasiirka.

Khilaafka labada dal ee dariska ah ayaa la rajeynayaa in ugu dambeyn sida uu qorshuhu yahay lagu soo afjaro dadaal ay sameynayaan dalalka IGAD.

Madaxda IGAD, oo ka kooban Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Suudaan, Suudaanta Koonfureed, Uganda iyo Eritreya (oo aysan hadda xubinimadeeda shaqeyneynin) ayaa Isniintii isku waafaqay in arrinta Soomaaliya iyo Kenya lagu dhammeeyo IGAD gudaheeda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay walaac xooggan oo laga qabay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku dagaallamaan xadka u dhaxeeya Beledxaawo iyo Mandheera.

Waxaa lagu soo warramay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo geysay magaalada Beledxaawo, halka ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland ay iyaguna dhinaca kale ku sugnaayeen, iyagoo taageero ka heysta milatariga Kenya.

21-kii bishan ayuu Magaalada Mandheera ka dhacay mudaharaad nabadeysan oo lagu dalbanayay in aan colaad loo soo jiidin shacabka deegaanka, kaddib markii ay cabsi xooggan dareemeen bulshada ku dhaqan halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here