Home Blog Page 13

WASIIRKII ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA OO ISCASILAY

fm soomaaliya abshir huruuse

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa uu ku caddeeyay in uusan kasii mid ahayn xukuumadda dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, ”Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiir Abshir Huruuse uu kamid yahay musharraxiinta loollanka ugu jira kursiga hoggaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

WEFTIGII HOGAAMIYAASHA KHAATUMO OO SOO GEBAGEBEEYEY SAFARKOODII

madaxweyne firdhiye buuhoodle

Wefdigii uu hogaaminayey Hogaamiyaha SSC-Khaatumo oo safar shaqo ku marayey qaar ka mid ah Goboladda SSC-Khaatumo ayaa dib ugu guryo noqdey Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Maamulkaasi.

weftiga ayaa soo kormeeray Gobolka Cayn iyo Hawdka Gobolka Sool, iyagoo u kuurgalay xaaladaha degaamadaas ka jira.

MUCAARIDKA PUNTLAND OO KA HORYIMID HANNAANKA LOO MAAMULAYO DOORASHADA 2024

mucaaridka puntland

Dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa si adag uga horyimid hannaanka Madaxweyne Deni u wado doorashada 2024.

Bayaan maanta oo Sabti ah ka soo baxay Mucaaridka Puntland ayay ugu horrayn ku caddeeyeen in aysan wax kalsooni ah ku qabin guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Waxay sheegeen in Madaxweyne Deni uu guddiga u magacaabay xubno ka tirsan Qaraabadiisa iyo sidoo kale xubno ka socda xisbiga Xukuumadda ee KAAH sidaas darteedna aan lagu kalsoonaan karin.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu fara-gelin ku hayo beelaha Puntland ee xulanaya xildhibaannada cusub islamarkaana khilaaf iyo jaah-wareer ka abuuray beelaha dhexdooda.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

DAGAAL BEELEED CULUS OO KA SOCDA GALBEEDKA GOBOLKA SANAAG

ceelafweyn

Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka ka bilowday degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

Dagaalka oo bilowday aroornimadii hore saaka oo Jimce ah ayaa dhexmaraya laba beelood oo marar hore ku dagaallamay degaankaasi Dararweyne.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo uu sababay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Colaadda beelaha ayaa sannadihii u danbeeyay ku soo noq-noqotay degaannada dhaca galbeedka gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne.

SAWIRRO MADAXWEYNAHA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY SARAAKIISHA GOBOLKA CAYN

madaxweyne firdhiye iyo saraakiisha cayn1

Buuhoodle 14 December 2023:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabqidaadir Aw-Cali oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe Mud. Jaamac Yaasiin Warsame iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dawladda ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ee Taliska G/Cayn.

Hoggaamiyaha ayaa kula dardaamay ilaalinta amniga iyo Difaaca guud ahaan SSC-Khaatumo, gaar ahaanna gobolka Cayn.

-DHAMMAAD-

SOOMAALIYA OO GUUD AHAAN DEYNTII LAGA CAFIYEY

the world bank

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah goor dhaw ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda dowladda FS oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.

SAWIRRO MADAXWEYNE FIRDHIYE OO BOOQDAY AABBE LABO WIIL KAGA SHIHIIDEEN HALGANKA SSC

madaxweyne firdhiye iyo halgamaa1

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa booqasho ugu tagay Aabbe Cali Abshir Gaas oo ah Aabbe laba wiil oo uu dhalay ay ku shahiideen halgankii Xaqqa ahaa ee Deegannadeena.

Hoggaamiyaha ayaa Aabbe Cali uga mahadceliyey sida uu naftiisa iyo reerkiisaba ugu hibeeyay Xoraynta deegaankiisa, walina uu ugu sii taaganyahau jidka halganka.

Hoggaamiyaha ayaa shuhadada ugu duceeyay in Illaahay Janatul Fardawsa Geeyo.

MADAXWEYNAHA KHAATUMO OO EEDAYN CULUS U JEEDIYEY INGIRIISKA

madaxweyne firdhiye buuhoodle

“Doorka Dawlada Ingiriiska ay ka leedahay arimaha SSC Waa mid ka soo horjeedka Qadiyadeena , Way noo badheedheen oo ay noo sheegeen inaanay ogoleyn SSC Jiritaankeerw , Waxaanu leenahay inta aanan idinku khasbin inaad diyaaradihiina soo kicisaan Ka Jooga waxaad wadaan , lama Joogo xiligii 1921 , Waanu ka xoog badanahay Xilligaa “

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Mudane C/Qaadir Axmed Awcali

SAWIRRO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO XARUNTA QM KU GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA SOOMAALIYA

madaxweyne xasan sheekh un ny 1

New York; Diseembar 12, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

DHAMMAAD

DENI OO MAGACAABAY GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA DOORASHADA PUNTLAND

siciid deni 182019

Garoowe: 12 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sicidii Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD   iyo 61-AAD.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2028 kuwaad oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

1. Isxaaq Axmed Xasan  (Guddoomiye )
2. Siciid Xirsi Bulxan  (Xubin)
3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
6. Nabadoon Maxamuud Maxamed Axmed  (Xubin)
7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY