Home Blog

MADAXWEYNAHA IIRAAN OO ISRAAIIL UGA DIGAY AARGUDASHO AAN LA FIIRSAN

israel and iran flag

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Axadda maanta ah ka digay aargudasho “aan laga fiirsan” oo Israel ay ka sameysyo weerarkii xalay ay Tehran ku qaaday ee isugu jiray gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka.

Iran ayaa markii ugu horeysay abid weerar toos ah ku qaaday Israel, ayada oo uu kasii daray dagaalka daahsoon ee mudada dheer u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal kale.

Tehran ayaa marar badan ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Israel kadib weerarkii dhimashada badnaa ee 1-dii April lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq, waxayna Washington ka digaysay maalmihii la soo dhaafay in jawaabtu ay dhowdahay.

Jawaabta ayaa timid habeenkii Sabtida markii Iran ay dirtay in ka badan 300 oo diyaarado drone iyo gantaallo ah oo ku wajahan Israel, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 12 qof, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Balse inta badan dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa dhexda laga qabtay ka hor inta aysan gaarin Israel, ayada oo gacan laga helayo Mareykanka, Urdun iyo xulafo kale.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in boqolkiiba 99 gantaalada la soo riday la qabtay, isagoo sheegay in “weerarka Iran la fashiliyey”.

Inkasta oo 170 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 30 gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles la soo riday ka hor intii aanay Israel soo gaarin, haddana qaar ka mid ah 110-ka gantaal ee ballistic-ga ayaa ku dhacay Israel, sida ay sheegeen ciidanka Israel.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah gabar 12 sano jir ah oo ku sugneyd meel u dhow magaalada Arad ee koonfurta Israel, taasi oo ku jirta xaalad degdeg ah, sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee la geeyay.

Madaxweynaha Iran Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “in haddii maamulka Sahyuuniyadda (Israel) ama taageerayaasheeda ay muujiyaan hab-dhaqan aan ka fiirsi lahayn, ay heli doonaan jawaab adag oo ka sii xoog badan tii hore.”

Dalal badan ayaa cambaareeyay weerarka, islamarkaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo Axad ah uu yeesho kulan deg deg ah oo ay kaga hadlayaan wax loogu yeeray “xaalad si aad ah uga sii dartay.”

Weerarkan ayaa sidoo kale yimid iyadoo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xabad joojin looga gaaro dagaalka Gaza uu u muuqdo mid wiiqmay, waxaana Israel ay ku eedeysay Xamaas inay diiday hindise xabbad joojin ah.

FIQI OO LA WAREEGAY XILKII WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA

wasirr fiqi

Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa waxaa xilkan ku wareejiyey Sii-hayaha ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad), kadib markii xilkaas loo magacaabay todobaadkii hore.

Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Mmadaxweynaha yo ra’iisul wasaaraha oo isaga u gartay inuu xilkan cusub qabto, wuxuu horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu xoojin doono kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, sida uu ku shaaciyay khiudbadiisa.

HOGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO U HAMBALYEEYEY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYA

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo u dabbaal degaya sannad-guuradoodii 64-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 12-kil April 1960.

Ciidanka Xoogga Dallku waxay astaan iyo laf-dhabar jiritaan u yihiin Dawladnnimada Soomaliyeed.

Munaasabadda 64-guurada awgeed waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa sarreeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifllayaasha iyo dablayaasha ciidanka Xoogga dalka, waxaana Allaah ugu baryayaa inuu ku guuleeyo waajibadka Qaran ee ay inoo hayaan.

Sidoo kale, waxaan salaan iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Difaaca SSC-khaatumo oo iyagu ah geesiyaal, halggamayaal iyo xaq-u-dirir dadka reer SSC-Khaatumo ay ku seexdaan, dedaalkooda iyo naf-hurkoodana ay ku heleen xasillooni iyo nabad isku hallayn leh.

Dhanka kale, annagoo ka faa’idaysanaynna horumarka tikonoolajiyadda ee qarnigan waxaan muddo aad u kooban ku hirgelinnay inaan dib u habayn iyo casriyeyn balaadhan ku samaynno ciidankeenna Difaaca SSC-khaatumo oo iyagu ah tiirka ugu muhiimsan Dawladnimada SSC-Khaatumo. Nidaamkan casriga ah ayaa noo sahlaya shaqada ciidanka sidoo kalana kor u qaadaya hufnaanta arrimaha ciidanka.

Waxaana ballan-qaadaynnaa inta aan talada joogno in Ciidamada kala duwan ee SSC-Khaatumo noqdaan kuwa leh tababbar sare, helaan xuquuq joogto ah iyo daryeel caafimaad oo tayo badan, islamarkaana aannu dedaal gelinno sidii ciidankeeennu u helli lahaayeen xuquuqaadka Dawladeed ee ay ku leeyihiin ciidamada qalabka sida ee heer Federaal.

38 ITOOBIYAAN AH OO KU QARAQMAY DOON LA DEGTAY

doon degtay 3

Ugu yaraan 38 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay la socdeen ay kula qalibantay meel u dhow xeebaha dalka Jabuuti. Lix qof oo kale ayaa la la’yahay oo loo malaynayo inay dhinteen. Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay masiibadan.

Sida uu kusoo waramayo Weriyaha BBC Kalkidan Yibeltal.

Doonta ayaa siday in ka badan lixdan qof oo rakaab ah, waxayna kusii jeedday dalka Yemen, waxayna ku qalibantay meel ku dhow xeebta Godoria ee waqooyi bari dalka Jabuuti. Kaliya 22 ayaa ka badbaaday.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa hadda la helay meydadka 38 qof. Sannad kasta kumannaan tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa isku daya inay gaadhaan dalalka saliidda qaniga ku ah ee bariga dhexe, iyagoo ka talaabaya gacanka cadmeed iyagoo rajo ka qaba inay helaan nolol wanaagsan.

Safaaradda Itoobiya ee Djibouti ayaa ku eedaysay kuwa sida sharcidarada ah wax u tahriibiya inay sabab u yihiin tirada badan ee dhalinyarada ka imanaya miyiga dalkaas ee doorta inay galaan safarro khatar ah.

Xogta laga helay Mashruuca Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in ku dhawaad ​​kun qof ay dhinteen tobankii sano ee la soo dhaafay iyagoo isku dayayay wadadan.

CIID MUBAARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA MEELKASTA

ciidwanaag

Waxaan dhamaan umadda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaanba ugu hambalyeynaynaa MUNAASIBADDA CIIDA FITRIGA, waxaana ilaahay uga baryaynaa in sanadkan sanadkiisa uu barwaaqo iyo nabadqab inagu gaarsiiyo.

AAMIIN

MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO MAANTA BIXIYEY MUSHAHARKII CIIDAMADA

ssc khaatumo logo

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta Mushahaaraayinkii Ciidamadiisa ku bixiyey Nidaamka Digital Mobile (Elecronic Cash Money).

Maanta 12:00 AM ayaa Taleefanooda ciidamada SSC-Khaatumo ugu dhacay mushaharkii, Askari waliba waxaa la xareeyey maalmo ka hor xogtiisa oo dhan, halka uu ka howl galo, Darajadiisa, illaa Nooca dhiigiisu yahay.

Nidaamkan Waxaa kaliya ka isticmaaala Soomaaliya oo dhan Dowlada Federaalka Soomaalia, waana Talaalo Maamulka SSC-Khaatumo uu kaga horeeyo maamulada kale dalka, sidoo kale wuxuu kaga duwan yahay nidaamka shaqo qoris Nidaamka Shaqaalaysiinta oo ah isna ah mid loo tartamayo.

Dadka SSC-Khaatumo ayaa loo aqoonsaday in ay yihiin dad karti badan oo asaagood kaga horumara dhibac walba oo Qori iyo Qalinba.

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYEY 4-TA CUTUB EE DASTUURKA

baarlamaanka soomaaliya ansixin dastuurka 4 cutub 30 3 2024

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka dalka, Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyey afarta cutub.

Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah, ma jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu.

RUUSHKA OO SOO AFJARAY GUDDIGII CUNAQABATEYNTA EE KUURIYADA WAQOOYI

Vladimir Putin iyo Kim Jong un

Guddiga ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay baarayaan in Ruushku jabiyay qeynuunka iyagoo hub ka soo iibsaday Kuuriyada Waqooyi sida gantaalada meelaha fog gaarah si ay ugu adeegsato Ukraine.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn saaray Pyongyang ilaa 2006-dii barnaamijkooda Nukliyerka

Codeyntii golaha ammaanka ee khamiistii, Ruushka ayaa diidamada fiito u adeegsaday si ay joojiyaan in dib loo cusbooneysiiyo cunaqabteynta iyadoo 13-ka kale ee golaha ay u codeeyeen marka laga reebo Shiinaha oo aad ugu dhow Pyongyang kaas oo ka aamusay.

Mareykanka, UK, Kuuriyada Koonfureed iyo isbahaysiga reer galbeedka ayaa dhaleeceeyay diidamada Ruushka.

Waa markii ugu horeysay Ruushka ay hor’istaagaan gudigan kaas oo sanad kasta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay cusbooneysiinayeen muddo 14 sano.

INNAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN AXMED CABDI GARBOOLE

axmed cabdi garboole

إنا لله وانا إليه راجعون

Alle ha’unaxariisto marxuum Axmed Cabdi Garboole, oo ahaa shaqsi qiimo iyo qadarin badan ku lahaa degaamada SSC.

Waxaan geerida marxuumka uga tacsiyeynayaa dhamaan qoyska Reer Cabdi Garboole, Reer Ciise Cabdi iyo ehelada uu marxuumku ka baxay.

Alle ha u naxariisto marxuumka Axmed Cabdi Garboole.

AAMIIN

Osman Ibrahim Warsame.

VLADIMIR PUTIN OO MAR KALE KU GUULAYSTAY DOORASHADII MADAXWEYNAHA DALKA RUUSHKA

vladimir putin 2

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Madaxweyne Vladimir Putin uu helay 88% codadkii la dhiibtay tirinta codadkii ugu horreeyay ee doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday.

Doorashadaasi ayaa loo arkay dhoolatus aan codbixiyaasha fursad u siinin inay doortaan cid si dhab ah ula baratameysay Puttin.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dalkaasi gacan adag ku hayay, isla markaana caburiyay mucaaradka iyo kuwa naqdiya siyaasadiisa, muddo 24 sanadood ah.

Waxay doorashadaasi timid iyadoo aysan jirin cid Ruushka ku dhiiran karta inay dhaleeceyso Puttin ama ay ka hadasho dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Ninkii ugu weynaa ee mucaaradka ku ahaa Putin, Alexey Navalny, ayaa ku dhintay xabsi dalkaasi ku yaala bishii la soo dhaafay kadib markii la sheegay in xanuun ku soo booday.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY