Wadahadaladii Talibaan iyo Mareykanka oo Qadar ku soo gabagaboobay

talibaan

Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadaladii u dhaxeeyay kooxda Talibaan iyo Mareykanka ayaa la soo gabagabeeyay.

Wadahadaladan ayaa waxay ka socdeen muddooyiinkii ugu dambeeyay caasimada dalka Qadar ee Doxa.

Ma cadda in wax heshiis ah ay gaareen labada dhinac ee Mareykanka iyo Taalibaan.

Saraakiiska Mareykanka iyo kuwa Taalibaan ee wadahadalada ka qayb galayey ayaa waxay sheegeen inay wadatashi la soo samaynayaan hogaamiyayaashooda si loo qaado tallaabada xigta.

Wadahadalada labada dhinac oo 8 wareeg soo maray ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Afqaanistaan.

Waxay khubarada ay wadaxaajoodkan ku tilmaameen in uu yahay kii ugu rajada waynaa.

Madaxdii horkacaysay wadaxaajoodka ayaa ka dhoofay Dooxa 6 maalmood ka hor,waxayna sheegeen in horumar laga sameeyay wadaxaajoodka.

Balse waxaa magaalada Dooxa ku sugnaa kooxihii dhanka farsamada si faahfaahinta wadahadaladan loo qoro.

Haddii heshiis la gaaro waxay horseedi kartaa in Mareykanka ay ciidamadooda kala baxaan Afqaanistaan.

Waxaa sidoo kale Taliban ay ka dib wadahadalo la yeelan doonaan dowladda Afqanistaan.

Mareykanka waxa uu horey ugu aqoonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso ah, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano.

Balse waxaa muuqata in mareykanka iminka uu isku dayayo in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan.

Dagaalyahanada Taliban ayaa soo ifbaxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Pakistan.

Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midowga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.

inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada badan Afqanistan.

Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaabayeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacuudi Carabiya.

Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.

Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da’doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.

Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka hayeen Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here