Uurcade: Hadaad 27 sanno naga xishoon waydeen waad naga baqan doontaan

kheyre uurcade

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ay shalay Dawlada Federaalka Soomaaliya ku diiday heshiiskii 3 geesoodka ah ee ay wada galeen Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World, kaas oo ku saabsanaa maamulka Dekeda Berbera.

Uurcadde waxa uu sheegay in heshiiskan ay taageersan yihiin shacabka Somaliland, Goleyaashooda iyo xukuumaddooda sidaasdarteed aanay jirin meel Soomaaliya uga bannaan.

Xoghayaha ayaa yidhi “27 sanno haddii aad naga xishoon waydeen, hadda laga bilaabo waad naga baqan doontaan”.

DAAWO HADALKII UURCADE

NO COMMENTS