UK oo hakinaysa dal ku galka maalgashadeyaasha

police uk border

Dawladda UK ayaa hakinaysa dal ku galka sida dhakhsa ah lagu siiyo ajaaniibta maalgashiga ku samaynaya UK, arrintaas ayaana looga gol leeyahay in lagula dagaallamo dambiyo dhanka maaliyadda ah.

Dal ku galkan ama fiisahan oo loo yaqaanno Tier 1 ayaa la soo saaray sannadkii 2008-dii si maal qabeennada aan Midawga Yurub u dhalan loogu dhiiri galiyo in ay maal gashadaan UK.

Dalku galkan oo la siiyo qofkii haysta 2 milyan oo gini ayaa dadka u saamaxa in ay waligood ku noolaadaan mar haddii ay ka gudbaan shuruudda ah in ay shan sano ku noolaadaan. Balse waxaa soo baxay in nidaamkaas loo adeegsaday in lacago loogu kala wareejiyo si sharci darro ah.

Hakintan ayaa la soo af jari doonaa marka dib u qiimayn lagu sameeyo hannaankan sida uu sheegay wasiirka socdaalka.

“Uma dulqaadan doono dadka aan shuruucda ilaalinin ee doonaya in ay nidaamkan ku xad gudbaan.” Ayay tiri wasiirka socdaalka Caroline Nokes, waxayna ku dhawaaqday in sharcigan uu dhaqan gali doono saqda dhexe ee Jimcaha.