Turkiga oo sheegay in uu soo bandhigayo faahfaahinta ku saabsan dilka Khashoggi

Jamal Khashoggi

urkiga ayaa balan qaaday in uu soo bandhigi doono faahfaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.

Sacuudi Carabiya ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Mr Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda.

Saraakisha Turkiga ayaa markii hore sheegay in si kas ah gudaha qunsuliyadda loogu dilay kadibna meydkiisa la jarjaray.

Bilowgii Toddobaadkaan ayaa saraakil Turki ah oo aan magacooda la shaacin ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan codad iyo muuqaallo muujinaya dilka weriye Jamal Khashoggi.

Boqortooyada Sacuudi ayaa waxa ay wajahaysay cadaadis aad u xooggan tan iyo intii la waayay Mr Khashoggi.

Balse ugu damabeyntii waa ay qirteen in weriye Jamal Khashoggi.

Muxuu yiri Turkiga?

“Turkiga waxa ay soo bandhigi doonaan wax kastoo dhacay,” ayuu yiri Omer Celik sida ay sheegtay Anadolu wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay jiraan wax damboo la qariyo oo waan shaacinaynaa.”

Turkiga ayaa haatan joojiyay eedeyntii uu Sacuudiga u soo jeedinayay ee dilka Khashoggi.

Maxay sheegeen saraakiisha Sucuudiga?

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dagaal uu qunsuyliyadda ku dhexmaray weriye Jamaal Kaashogji iyo dad halkaasi ay ku kulmeen ay dhalisay dhimashadiisa.

Baaritaano ayaa hadda socdaa, bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 18 qof oo Sucuudiga u dhashay xabsiga la dhigay.