TUKARAQ DAGAAL KA DHICI MAAYO CISMAAN IYO CIISE MAXAMUUD BAA HORTAAGAN (DAAWO XILDHIBAAN AXMED GACAN)

xildhibaan axmed muuse obsiiye guurtida somaliland

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ka dayriyey xaalada ay Somaliland ku sugan tahay.

Xidhibaanka ayaa yidhi “dadkan waa dad nasiib daran, siyaasad ahaan iyo dhaqaalle ahaan aad ayaynu u rajo xunahay, oo siyaasaddii debedda waa ka curyaan oo Al-baabada ayaa loo soo Xidhay, oo Wax aynu Saaxiib leenahay ma Jiro.”

Halkii maalintii aynu gooni Goosadka ku dhowaaqnay aynu taagnayn, ayaynu taaganahay, oo Maanta maalin ay ka liidato ma jirto, Waynu Ognahay Xaaladu halka ay marayso, Midkii aan is dhahno kan ayaa ka Raynaya, Wuxuu noqonayaa Ka darre “ Ayuu yidhi Xildhibaanku Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan.

Xidhibaan Axmed Gacan ayaa sheegay inaan wax dagaal ahi ka dhici doonin Tukaraq, sababtoo ah Cismaan Maxamuud iyo Ciise Maxamuud oo Cabdi Weli Gaas ka diidan baa hortaagan in dagaalku dhaco.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imanaya xilli ay mudooyinkii ugu dambeeyey isa soo taraysay in Beelaha Xildhibaanku Magac dhabay ay dabada hayaan dagaal Tukaraq ka dhaca oo Puntland guul ka soo hoyso.

Musharaxiinta Madaxtinimadda Puntland ayaa la xaqiijinayaa inay bilihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaayeen sidii ay u furfuri lahaayeen Saraakiisha Ciidamada Puntland, si dagaalka loo curyaamiyo, iyadoo la sheegayo in qorshahan Hargeysa laga hogaaminayo.

DAAWO XILDHIBAAN AXMED GACAN: