Taliyaha Ciidanka Somaliland oo xalay lagu weeraray guriga uu Ceerigaabo ka deganaa

nuux Taani

Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii weerar lagu qaaday Guri uu ku degay Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shalay magaaladaasi gaadhey.

Weerarkan oo ay dad goob joog ahaa u sheegeen warbaahinta in ay uu ahaa Qoriga loo yaqaano Seven Ama Baasuukaha ayaan geysanin wax khasaare ah, hasayeeshee Gidaarka Gurigaas ayay waxyeelo soo gaadhay.

Ciidamada Booliska ayaa dhinaca kale soo qab qabtay dad ku dhaw Tobaneeyo Qof oo loo aanaynayo in ay ka danbeeyaan falkaasi.

Ma jirto cid ka hadashay falkaasi, Maamulka Gobolka Sanaag iyo saraakiisha ciidamada Milatariga Somaliland ayaan iyaguna wax war ah ka soo saarin