TAARIIKHDII MADOOBAYD EE SOOMAALIYA OO XIDHMAYSA IYO HADHAAGII OO GABALKOOD DHACAY

madaxda dowlada goboleedyada copy

Waxaa muuqata inay soo xidhmayso taariikhdii madoobayd ee burburka iyo dhiigga ee Somaliya soo martay, iyadoo hadda ay Dawlada Federaalka Soomaaliya u biyeysatay sidii ay meesha uga saari lahayd hadhaagii waqtiga Madow.

Sharif Hassan Sheikh Aden ayaa karkaarka la weydaariyey kadib markuu mudo 20 sano ka badan hortaagnaa shacabka koonfur Galbeed, halka Cabdi Weli M Cali Gaas uu isna ka quustay in dib loo soo doorto, waxaana la xaqiijinayaa inuu dabada ka riixayo Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu u arko inuu ku ilaashan karo danihiisa Puntland.

Oday Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ah nin ku bararay burburkii iyo dagaaladii sokeeye ayaa iminka jaahwareersan oo meel uu ka baxo la, waxayna u egtay in xilka iyo xooluhuba iska raaci doonaan, halka Ahmed Mohamed Islam (Axmed Madoobe) oo dhowr jeer xuub dhacsaday sida alshabaab, maxaakiim, Warlord iyo Madaxweyne hadda Kismaanyo lagu soo ururiyey, oo uu sheeda ka eegayo sida hadhaagii saaxiibadiis marba mid loo lalansanayo oo mid isna sugaysa.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay gudaheeda ku xaliso khilaafyadeeda halkii berigii hore labadii isqabtaaba ay Beesha Caalamka u qayshan jireen, waxaa la xaqiijinaya in xitaa aanay ogolaan doonin in Somaliland shisheeye iyo dal kale lagu dhexgalo, iyagoo u kala qaybiyey gobolo midnimo doon ah sida Sool, Sanaag iyo Cayn iyo kuwo koox yari xoog ku horjoogto sida Burco, Berbera iyo Hargeysa.

Tirtirka hadhaagii shaqsiyaadka xumaanta iyo waqtigii madoobaa waa guul weyn oo u soo hoyatey Umadda Soomaaliyeed.