Soomaaliya: Dumarka oo lagu dhiirageliyay ka qeybgalka siyaasadda

dumarka somalia

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay aqoon isweydaarsi ay ka qaybgaleen in kabadan boqol dumar ah oo ka kala socday xisbiyada siyaasadeed taasoo lagu gorfeynayay kaalinta haweenku ka ciyaari karaan ka qaybgalkooda buuxa ee arrimaha siyaasadda ee waddanka.

Sidoo kale intii ay doodu socotay waxa diiradda la saaray sharciga doorashooyinka ee hadda hor yaalla baarlamaanka federaalka iyo sidii dumarku uga qayb qaadan lahaayeen inuu sharcigaasi noqdo mid u adeegaya in dumarka ay helaan ka qaybgalbuuxa oo dhinaca siyaasadda ah doorashooyinka soo socda ee sannadka 2020-ka.

Cabdillahi Maxamuud Tahliil oo kamid sariikisha Machadka International Republican Institute oo ah urrurka soo agaasimay aqoon isweydaarisga ayaa BBC u sheegay in sababta ay haweenka ugu martiqaadeen aqoon isweeydaarsiga uu yahay sidii ay uga doodi lahaayeen qoonddada haweenka ee siyaasadda iyo inay aqoon ka heystaan sharciga la xiriira arrintaas.

Cabdillahi Maxamuud waxaa uu sidoo kale sheegay in kulanka ay uga gollahaayeen sidii ay haweenka ugu dhiirogelin lahaayeen ka qeyb qaadashada siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here