SOMALILAND IYO PUNTLAND MAXAY KA FAAIIDEEN DAGAALKA TUKARAQ

muuse iyo gaas

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, wuxuuna sababaa khasaare naf iyo maalba leh, laakiinse waxaa dhacda in labada dhinac ee dagaalamay midkood wax faaiido sida dhul, sumcad iwm, halka kan kalena wixii uu haystay qaarkood lumiyo.

Haddaba Puntland iyo Somaliland maxay ka kala faaiideen dagaalka iyo colaada Tukaraq ee ka abuurantay weerarkii Ciidamada Somaliland ku qabsadeen degaanka Tukaraq oo bar cashuureed u ahaa Puntland?

SOMALILAND:

Somaliland dagaalka colaada Tukaraq waxay ka dhaxashay khasaare siyaasadeed oo aanay ka soo waaqsan karin;

1. Waxay qaadatay eedii bilowga colaada oo ah geedigii Tukaraq ee 8.1.2018.

2. Wuxuu wiiqay sumcaddii ay ku lahayd Beesha Caalamka iyo Soomaalida dhexdeeda.

3. Waxay muran gelisay kala badh ka badan dhulkii Somaliland sheeganaysay oo ah Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo iminka ah Goboladda lagu muransan yahay, xalkoodana Beesha Caalamku ka fekerayso.

4. Wuxuu caqabad ku noqday wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo aanay suurtogal ahayn in wax wadahadal ahi bilaabo, ilaa xal loo helo colaada Gobolka Sool, iyo Gobolada Puntland iyo Somaliland ku muransan yihiin.

5. Waxay weyday taageeradii shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo asalkoodu yihiin dad Harti ah, islamarkaana ay saameyn ku yeelatay, hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi ee AWOOWEYAASHIIN IYO AABAYAASHIIN BAAN CAYDHSAN JIRAY OO AANU WELI WAX RAALIGELIN AH KA BIXIN.

6 Waxaa ku sameysmay Jabhado sida tan Caarre, sidoo kale dagaalku wuxuu horseeday ama sii xumeeyey in laga bogsan waayo dildilaacii Doorashada.

7. Wuxuu meesha ka saaray awoodii ciidan ee ay ku faani jirtay ee sheegi jirtay inay Xuduudka ma Garoowe soo taabanayso.

Marka laysku soo duubo Somaliland way ku khasaartay tegistii Tukaraq, mana suurtoobayso in colaad sii xumaata oo waarta mooyee ay nabadgelyo ka dhalato, shacabka degaamadaas ku qanci maayaan, wax qabadna uma arkayaan marba daar yar oo meel laga dhiso oo dhaqaale lagu cuno.

PUNTLAND:

Puntland colaada Tukaraq way ka faaiiday inkastoo aanay gaadhin guul milateri oo la taaban karo, waxay heshay fursad ay dib ugu dagaalanto Goboladii ka maqnaa ama ay taageerada shacabka ku hananto, waxay guul weyn ka soo hoysay dhanka siyaasada iyo dacaayada.

Gebagebaddii colaada Tukraq ee aan xalka lahayn, sida weyna looga fekerinin waxay dhabarjab ku tahay, islamarkaana god madow ku ridaysaa mustaqbalkii somaliland.