SOMALILAND IYADAA LAGA BARTAY WADAHADAL DIIDKA IYO WAA DUUSHAY

0
khaatumo vs sl

28 sanadood ayey taagnayd arinta Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaa hogaamiyeyaashii Somaliland laga waayey aan si dhab ah oo xaqiiqo ku dhisan u wadahadalo, waxay goleyaasha ka buuxsadeen isxambaar iyo horgalo, waxay ka baxeen heshiisyo badan oo lala galay, waxaana jawaabtii lagu soo ururiyey SOMALILAND WAA DUUSHAY, qofkii hadlana suuqa ayaa laga afduubay, taas oo ay ugu dambeysay Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah isxambaarka goleyaasha lagu buuxsaday oo sife aan sharciga waafaqsanayn loo afduubtay, cunaqabateynta mashaariicda horumarintuna waxay ahaayeen midaan degaamadaas looga naxariisan, loona aaba yeelin.

Wadahadal diidka, iskaafinta, isgariirixinta iyo waa duushay waxay kaliftay in Cali Khaliif Galaydh oo lagu yidhi heshiis baa lagula uu Hargeysa tabliiq siyaasadeed ka bilaabo oo marba meel, caruur, habar iyo oday wuxuu arko isla taago oo u sheego Somaliland looma dhamee hanala hadlo.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed wax cusub ma soo kordhin waxay koobi garaysay intii ay Somaliland ka baratay, Reer Somaliland goleyaashii Federaalka ay ku jiraan, arintuna waa mid soomaali qusaysa, gudi baa loo saaray, shacabka Somaliland gooni-isutaaga kuma wada socdaan, Soomaaliyana waa duushay baa Dawladda Federaalku hadalkeeda ku soo gebagebaysay.

Tabliiqii Siyaasadeed ee doraad Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey carwaddii buuggaagta wuxuu la mid ahaa tabliiqii Siyaasadeed ee Oday Cali Khaliif, waana marxalad loo dalaco, waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin midna Jaamacadaha ayuu ka bilaabay midna carwooyinka,

Runtu waxaa weeye, Shacabka Somaliland waa shacab wanaagsan oo hogaamin waayey, mana qabato in 28 sano kadib laysla soo hortaago, Dawladdii Federaalka baa ina soo weerartay, caqli intaas ka balaadhan iyo diyaargarow dhameystiran baa loo baahnaa.

Waxaa iyana muhiim ah in shacabka Somaliland ogaado in Siyaasada dibadda ee Somaliland ay ku xidhantahay marba sida siyaasada guduhu tahay, shacabka goboladda Sool, Sanaag iyo Cayna maaha kuwo awood ciidan iyo marba qof la xidho lagu hayn karo, waxaa haboon in ciidamada laga soo dul qaado, oo shacabkaasi si madaxbanaan aayahooda uga tashadaan, arintan fashilkeedana waxaa leh hogaamiyeyaashii Somaliland ilaa Daahir Riyaale oo maalin walba ka shaqeynayey siday u sii fogeyn lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here