Home Somalia Somaliland SOMALILAND: Guuxa dadweynaha + Wasiir Koore iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha

SOMALILAND: Guuxa dadweynaha + Wasiir Koore iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha

0
saleebaan cali koore

Tan iyo doraad markii ay soo baxday inay dib u bilaabantay colaadda foosha xun ee Beelaha Walaalaha ah ku dhex-martay degaamo degmadda Ceel-Afweyn ka tirsan, ayaa waxaa shacabka Somaliland bilaabeen inay muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin mashaqadan, khasaaraha ka dhashay iyo inay mar kale dib u bilaabanto, iyagoo dalbanaya in si deg deg wax looga qabto.

Guuxa dadweynaha ayaa badankiisu wuxuu isku raacsan yahay in arintan wax ka qabadkeeda iyo guud ahaanba adkeynta nabadgelyada Somalilandba ay ugu horeyso wax ka bedel lagu sameeyo Wasaaradda Arimaha Guadaha Somaliland oo Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenku ugu horeeyaan.

Guuxa iyo dareenka shacabka ayaa sidoo kale soo bandhigaya in Saleebaan Cali Koore Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland uu yahay shaqsiga ugu haboon ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo baahideeda dabooli kara, kuna fiican inuu jagadan buuxiyo.

Sababaha ay Dadweynuhu Saleebaan Yuusuf Cali Koore ugu xulayaan Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa waxaa ka mid ah; firfircooni iyo waxqabad, dhexdhexaadnimo aanu lahayn qardoofooyin kore oo siyaasadeed, daacadnimo iyo inuu yahay dhaqan iyo dad yaqaan ka soo jeeda guri dhaqan.

Inkastoo shacabka Somaliland dareenkooda iyo aragtidoodu cad yihiin, hadana waxay muujinayaan in aanay rajo ka qabin inuu Madaxweyne Muuse Biixi Wasaaradda Arimaha Gudaha ka bedelo Wasiirka hadda jooga ee Maxamed Kaahin, sababo jira awgood.

Sikastoo ay tahayba shacabka Somaliland wuxuu ka mideysan yahay joojinta colaada Ceel Afweyn iyo adkeynta Amaanka guud ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here