Sawirro: Aadan Barre Ducaale oo toos uga dagay Kismaayo, kadib xayiraadii la saaray magaaladaasi

adan barre ducaale

Wafdigii uu horkacayey hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow toos uga dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta.

Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka saartay hawada Kismaayo.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka digtay Kismaayo.

Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda  xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadii loogu doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here