Sarkaal Sare oo ka goostay Ciidamada Somaliland kuna biiray Jamhada Col Caarre

gaashaanle gamaal
Gaashaanle Gamaal

Sida ay shabakada xaysimo.com u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaa shalay Ciidamada Somaliland ka goostay Sarkaal ka tirsan Ciidanka, gaar ahaan qaybta Gobolka Sanaag ku sugan, isagoo ku biiray Jamhada col. Caarre

Gaashaanle Gamaal ayaa ahaa taliyihii lagu bedelay booskii uu Caarre ka tegay, kadib markuu ka doorbiday Jamhadaynta.

Taliye Jamaal ayaa wata gaadhi aan la cadeynin hubka iyo ciidanka saaran, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inay soo gelbinayaan Ciidamo iyo Gaadiid uu u diray Taliye Caarre oo maalmihii ugu dambeeyey Garoowe shirar kula lahaa saraakiil iyo Masuuliyiin Puntland ka tirsan.

Taliye Caarre oo la filayey inuu heshiiska Ceel Afweyn kadib shiiqayo oo odayada beeshu soo celinayaan, ayaa mar qudha si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Puntland Saldhig Milateri laga siiyey, Islamarkaana uu u dagaalami doono sidii uu Somaliland uga bedeli lahaa nidaamka hadda ka dhisan ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyo, arintan ayaa noqotay lama filaan, iyadoo taliyaha cusub ee ku biirayna ay astaan u tahay in Jamhadani sii xoogaysanayso.

Somaliland ayaan weli ka hadlin baxsiga sarkaalkan, oo muujinaya in khilaafkii Siyaasada Somaliland uu u gudbay Ciidanka.