Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladooda oo lagu dilay Sh/ Hoose

AlShabaab drone

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn khasaaro geysatay ay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Kuunyabarow ee gobolkaasi.

Sida la sheegay duqeyntani ayaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan oo Al-Shabaab , xilli uu marayay duleedka deegaankaas.

Ugu yaraan afar ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhintay duqeynta, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo saxaafada qaarkood u sheegay.

Afarta qof ee dhintay ayaa kala ahaaa labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyo labo dagaalame oo lagu sheegay inay ilaalo u ahaayeen saraakiishaasi.

Lama oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliye koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here