SAFARKII GINI WUXUU KA XUN YAHAY WEERARKII TUKARAQ, CEEL-AFWEYNA WAA DHUMAY, MEEYEY CAQLIGII SOMALILAND?

0
madaxweyne muuse gini

Maahmaah Soomaaliyeed baa tiraahda “HADDII GACANTAADU SAKAL KAA GASHO LAGUMA SOO DHUFTO EE WAA LAGA SOO DHIRAANDHIRIYAA” reer Somaliland iyagaa dawladnimadoodii lumiyey 1 luulyo 1960, gaar ahaan waxaa la kari waayey Beesha dhexe, maanta waxaa la gudboon in sakashii ay isgeliyeen ay si xirfad iyo dulqaad ku jirto isaga siibaan, dagaal iyo iscolaadsi ay Soomaaliya la galaana wax dan ahi uguma jirto, maadaama ay iyagu muraad ka weyn leeyihiin. Waana talaabo ay ku fashilmeen dhamaan hogaamiyeyaashii Somaliland.

WEERARKII TUKARAQ:

8-dii january 2018 ayaa ciidamada Somaliland si caadifadaysan loogu dhaqaajiyey degaanka Tukaraq, iyadoo la qiimeynin saameynta siyaasadeed ama khasaare ee ka dhalan karta, waxaa xusid mudan in Madaxweynihii Federaalka Soomaaliya ee la doonayey in wadahadalka lala galo uu markaas Garoowe ku sugnaa, loona arkay in dhaqdhaqaaqan ciidan loola jeeday, tani ma ahayn talaabo siyaasadeed oo haboonayd, tegista Tukaraqna waxaa ku filayd dadka degaanka iyo malayshiyadooda oo la wacyigeliyo, sidii caadada Somaliland u ahaan jirtay.

Inkastoo Ciidamadda Somaliland isdifaaceen, haddana siyaasad ahaan Somaliland waa looga adkaaday, maanta adduunka oo dhan waxaa u cad in Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin Gobolo laysku haysto, shacabkooduna u baahan yihiin in taladoodii dib loogu celiyo, sidoo kale waxaa kor u kacaya abaabulka Ciidan ee Puntland iyo isku dhacyadooda, halka berigii hore siyaasiyiin Majeerteen ay Somaliland ku taageeri jireen inay degaamadaas la wareegto intii ay Maamul Goboleed gaar ah noqon lahaayeen.

SAFARKII DALKA GINI:

Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku tegay dalka Gini wuxuu ku soo beegmay xili xaalada Soomaaliya iyo Somaliland ay aad u kacsanayd, laakiin Somaliland ay gar lahayd, maadaama ay Soomaaliya wadahadaladdii ka baaqsatay, waxaa hagaagsanayd in Somaliland dib u dhigto safarka Madaxweynaha oo si wado garnaqsigeeda beesha Caalamka iyo adkaynta arimaheeda Gudaha, nasiibdaro tegistii Madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Gini waxay ahayd talaabo aan waqtiga ku haboonayn, waxayna Dawladda Federaalka Soomaaliya u noqotay fursad ay ku dagaal gasho.

Xidhiidhkii loo jaray dalka Gini wuxuu ahaa tusaale ama cashar loola jeedo Dawladaha kale, waxay sahashay in markii ugu horeysay ay Somaliland ugu yeedhaan Gooni-u-goosato, sidoo kale waxay suurtagelisay in Dawladda Federaalku si cad u kala qaybiso Somaliland, waxay dhaqdhaqaajisay Isamaddii SSC, waxay ku dhawaaqday inaan Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ka soo horjeedaan gooni-isu-taaga, taas oo u muuqata kaadh u qarsoonaa, waxay sii kun jibaareen dagaalkii Siyaasada, iyo dhaqaalaha, gebagebadiina waxay sheegtay in arimaha Soomaaliya ay Soomaalida u yaaliin oo aan gacan sadexaad iyo dhexdhexaadin shisheeye cidna looga baahnayn.

SOMALIA IYO SOMALILAND KEE KA FAAIIDAYA DIB U DHACA WADAHADALADA?

Maalin kasta oo ay wadahadaladu dib u dhacaan waxay guul u tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya oo raadinaysa fursad ay dhidibada ugu taagto dawladnimadeeda, halka Somalilandna ay ku tahay fursad qaali ah oo ka lumaysa.

Dhabtu waxay tahay, ma jirin guul loo dabaaldego oo ka soo hoyey socdaalkii Madaxweynaha ee dalka Gini, balse wuxuu ahaa mid siyaasad ahaan kasii xun, kana khasaare badan Tegistii iyo dagaaladii Tukaraq.

DHUMAY IYO CEEL AFWEYN:

Colaaddii Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, waxay ahayd fedeexaddii ugu weynayd ee arimaha gudaha ee Somaliland ka dhacday, waxayna soo jeedisay indhihii Soomaalida iyo Beesha caalamka, waxaana loo arkay in arintaas Somaliland hagratay oo aanay daacad ka ahayn, maadaama ay Somaliland caan ku ahayd dib u heshiisiinta gudaheeda iyo beelahaba, aakhirkiina waxay sababtay in umadda Soomaaliyeed u soo gurmato.

Colaadda Ceel Afweyn waa la mid tii Dhumay, waxayna cadeynaysaa oo u markhaati furaysaa in Somaliland ka guurtay isticmaalkii caqligii iyo guurtinimadda, oo ay ku bedeshay xoog aan caqli la socon, xaaladuna ay iminka marayso waxwalba Ciidanka Qaranka ha lagu dhaqaajiyo, MUDO INTEE LEEG BAA SOMALILAND KU SII JIRI KARAA CIIDANKA QARANKA HALA DHAQAAJIYO?

Haddaad aragto qaran ku soo urura adeegsiga Ciidanka Qaranka, wuxuu cagta saaray wadadii burburka, in Somaliland caqligi iyo xeerarkii ka guurtay, waxaa cadeyn ugu filan, sidii loola dhaqmay Xildhibaan Dhakool, oo halkii sifo sharci ah loo mari lahaa, si afduub u eg loo xidhay.

Marka laysku soo hooriyo mudooyinkii ugu dambeeyey ma jirto wax guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatey ama talaabo sidii saxda ahayd loo qaaday, gudaha iyo dibaddaba, halka isku xidhnaantii iyo midnimaddii shacabka oo ahayd raasamaalka ugu weyn ee Somaliland haysatay ay maalinba maalinta ka dambeysa sii wiiqmayso, waxayna khatar ku noqonaysaa nabadgelyada, sidoo kale waxay ka leexinaysaa rabitaankoodii.

KHASAARAHA UGU WEYN EE SOMALILAND HAYSTA AYAA AH XISBIYADA MUCAARIDKA AH OO ISKU BEDELAY BIIBITOOYIN REEROOD OO SOO SAARA QABYAALADDA, ISLAMARKAANA AAN WAXBA KU KORDHIN KARIN XUKUUMADDA IYO TALADDA DALKA, DOORASHO HALA QABTO WAX DHAAFSIISANA AAN KEENI KARIN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here