Sacuudiga oo amray in la dhaqangeliyo shuruuddaha shahaada caafimaadka xoolaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya

qoraal xoolaha xajka1

Warqaddan oo kasoo baxday Hay’adda ka Faa’ideysiga Mashruuca Xoolaha Xajka ee Dawladda Sucuudiga, kuna taariikheysan 14.07.2019, ayaa waxay sheegaysaa in ay lagama maarmaan tahay in la dhaqangeliyo shuruuddaha shahaada caafimaadka xoolaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Warqaddan oo ku socota toddoba ka mid ah ganacsatada Xoolaha iyo Maxjarrada Xoolaha, ayaa waxay ka jawaabaysaa dalab ay horey ugu direen ganacsatada Maxjarrada xoolaha, kaasi oo ahaa in meesha laga saaro shuruudda ay dawladda Soomaaliya ku xidhay dhoofinta xoolaha.

Hase ahaatee, dalabka ganacstadan waxaa ku gacanseydhay ninka Mashruuca Xoolaha Madaxda uga ah dawladda Sucuudiga oo lagu magacaabo Raxiimi Binu Axmed Raxiimi, kuna saxeexan warqaddan.

Raxiimi ayaa qoraalkiisan ku yidhi: “Waa lagama maarmaan in la dhaqangeliyo shuruudaha shahaadooyinka caafimaadka ee Dawladda Federaalka (Soomaaliya) ay soo rogtay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here