Qarax ka dhacay caasimadda dalka Denmark

qarax copenhagen

Qarax ayaa ka dhacay saldhig ay booliska leeyihiin oo ku yaalla magaalada Copenhagen ee caasimadda u ah dalka Denmark.

Waa markii labaad oo qarax uu ka dhaco Copenhagen isbuucan gudihiisa.

Dhismaha ayaa burburay balse ma jirin cid wax ku noqotay qaraxa aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah ka dhacay bannaanka hore ee faras magaalada.

Maalintii Talaadada ahayd ayuu qarax aad u xooggan ka dhacay dibadda xarunta canshuuraha qaranka, mas’uuliyiintuna waxay ku tilmaameen weerar ku talagal u dhacay.

Wali ma cadda in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin.

Booliska ayaa sheegay inay ku raad joogaan nin la arkay isagoo ka cararaya saldhigga maanta la qarxiyay.

Ninkaas ayaa lagu soo warramay inuu xirnaa dhar madow iyo kabo cad cad.

“Tani ama ahayn dhacdo caadi ah, waxay ahayd arrin ku talagal loo sameeyay”, sidaas waxaa yiri taliyaha booliska Jorgen Bergen Skov, isagoo intaas ku daray in wali ay baaritaanno socdaan.

Sarkaalka ayaa dhanka kale sheegay in ilaa hadda aan falkaas lagu tilmaami karin weerar argagixiso.

“Kuwani waxay ahaayeen weerarro lagu bartilmaameedsanayay dhismeyaal, lagumana beegsaneynin dad, laakiin wali lagama hor dhici karo sababta ka dambeysa”, ayuu yiri.

Hal ruux ayuu dhaawac fudud kasoo gaarayqaraxii dhacay maalintii talaalada ee lagu beegsaday xarunta canshuuraha qaranka.

Weerarkaas oo dhacay galinkii dambe ayaa burbur u geystay daaqadaha dhismaha xarunta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here