Qarax Ismiidaamin ah iyo weerar Kismaayo ka dhacay

kismaayo map

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegayo inay weli ciidamadii hubeysnaa ku jiraan gudaha Hotel Cascasey oo ay gelinkii dambe ee Maanta ku galeen weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana socdo dadaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ku jiro Hotelka.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey in Hotelka laga soo badbaadiyey Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto.

Sidoo kale waxaa jiro Xildhibaano iyo Diasparo badan oo kasoo jeedo Beesha Axmed Madoobe kuwaas oo ku xayiran Hotelka isla markaasna aan la xaqiijin karin nolol iyo geeri.

Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ahaa sidoo kale dadka Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ay soo badbaadiyeen.

Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland ayaa howlgal ka wado Hotelka, waxayna wararku sheegayaan inay gudaha hotelka weli ku jiraan kooxihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka kusoo qaaday.

Waxaa jiro khasaaro xooggan oo ka dhashay weerarkaas qaraxa ku bilowday, inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno tirada saxda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here