Puntland oo qaadacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland

puntland logo

Dowladda Puntland ayaa qaadacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan dastuurka KMG ee Soomaaliya islamarkaana magacaabista guddigaasi ay si cad uga hor imaanayso dastuurka.

“Puntland waxay cadanaysaa in hannaanka loo maray magacaabista matalayaasha aysan waafaqsanayd dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53aad farqadiisa 2aad oo uu dhigatan Sidatan: Mar ay wada-xaajoodyadu sigaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseea dawlad-goboleedyada, xukuumada Federaalka ergada wada-xaajoodka gelaysa waxaaa kaabaya wakiilo ka socda dowladha xubinta ka ah daowldda federaalka”

“Dowladda Puntland horay bay u caddaysay mowqifkeeda ku aadan wadahadalada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah, kaasoo ahaa in qadiyaddaasi ay si gaar ah u taabanays dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland“

Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegayn in dowladda Puntland ay beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaliya u cadaynaysa in guddiga la magacaabay ay caddeyn u tahay in aan la rabin xal iyo wadhadal dhab ah. sidoo kale wixii ka yimaada magacaabista guddigaas ay masuuul ka noqnaysa Dowladda Federaalka.

Guddigan oo uu magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ay waxaa sidoo kale ka horyimid maamulka Somaliland.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here