Puntland iyo Somaliland ku dagaalamay Hadaaftimo iyo khasaaraha ka dhashay

puntland iyo somaliland

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Warar dheeraad ah oo hadda soo baxay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay Somaliland ka qabsadeen gaari nooca Teknikada ah oo la socday wefdiga guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan gobolka ay u bixisay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar.

Wefdiga Somaliland oo ku socday dhinaca magaalada Badhan ayaa waxa weeraray ciidamo ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) halkaasi oo dagaal culus ku ku dhexmaray labada dhinac.

Bulshada ku dhaqan Hadaaftimo ayaa sheegay in wefdiga Somaliland ay dib u laabteen islamarkaana ay Puntland ka qabsatay gaari Land Cruiser oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ee gobolka Badhan Maxamuud Xaamud.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ayaa hadda xaqiijiyay in ay wefdiga Somaliland ka qabsadeen gaari kale oo nooca Teknikada ah kaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here