Puntland: Hooyo gabadheeda la kufsaday oo cadaalad daro sheegatay iyo xeer ilaaliyaha oo eedeeyey eheladeedii

ubax axmed xirsi

Ubax Axmed Xirsi waa hooyada  dhashay gabar yar oo lagu magacaabi jiray Najmo Cabdulqaadir Xassan taasi oo u geeriyootay kufsi bil ka hor loogu geystay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Ubax oo maanta warbaahinta kula hadashay gudaha degmada Buurinle ayaa sheegtay in ay caddaymo u hayso saddex nin oo ku eedaysan kufsiga gabadheeda waxaana ay maxkamadda Garoowe ka codsatay in gabadheeda oo sida ay sheegtay agoon ahayd caddaalad loo sameeyo islamarkaana sharciga la mariyo eedaysanayaasha.

Sidoo kale Ubax ayaa sharraxaad hor leh ka bixisay sida loo kufsaday gabadheeda iyo caddaymaha ay u hayso saddexda eedaysane ee lagu tuhmayo in ay kiiska geysteen.

DAAWO:

Dhinaca kale ku xigeenka Xeer- ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo maalmo ka hor idaacadda Radio Daljir ka wareysatay kiiskaasi ayaa sheegay in ehelada gabadha la kufsaday ay hay’adaha caafimaadka iyo laamaha baarista ee dowladda Puntland la soo xiriireen bil kadib kufsigeeda iyadoo uu baaba’ay raadkii kiiska.

Xareed ayaa ehelada gabadha ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin in la waayo raadadkii Kiisa kufsigaasi maadaama sida uu sheegay bil kadib aysan laamaha baaristu heli Karin caddaymaha kiis duugoobay oo mar hore dhacay.

DAAWO KU XIGEENKA XEER ILAALIYA GUUD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here