Paris: Macbiil toogtay dalab qaadihii maqaayadda ka dib markii laga daahiyay dalabkiisa

maqaayad paris

Macaamil maqaayad cunno ka iibsanayay ayaa toogtay dalab qaadihii maqaayadda ka dib markii laga daahiyay dalabkiisa.

Booliska ayaa sheegay in baarintaan la sameeyay ka dib markii ay arrintani Jimicii ka dhacday maqaayad ku taalla bariga magaalada Paris.

Qofka looga shakiyey in uu dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, ilaa haatanna lama oga halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Gaari ambalaas ah ayaa isku dayey in 28 jirkaan dalab qaadaha ka ahaa maqaayadda uu badbaadiyo, balse ninkan oo madaxa laga toogtay ayaa ku dhintay isla goobtii lagu toogtay.

Asxaabtii ay shaqa wadaagga ahaayeen ayaa booliska u sheegay in ninka toogashada geystay uu xakameyn waayay caradiisa ka dib markii ay ka daahday cunnadii uu dalbaday.

Dilkaasi ayaa waxaa ka carooday dadka deegaanka iyo ganacsatada.

” Waa dhacdo murugo leh”, sidaasi waxaa warbaainta Faransiiska u sheegay haweeneey 29 sano jir. ” Waa maqaayad aan buuq badnayd oo wax dhibaata ah anan ku arag. Waxaa la furay bilooyin ka hor.

Qaar ka mid ah dadka deeganka ayaa sheegay in aaggaasi ay ka jireen fal dambiyeedyo sii kordhayay iyo isticmaalka maan-dooriyeyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here