Nin qirtay inuu wax ka kufsaday Caasha Ilyaas faahfaahiyeyna qaabkii wax u dheceen

kufsade caasho
Kufsade Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo.

Xukumanahaan oo maxkamadda sare waydiisey haddii uu galay dembiga horay loogu xukumay haddana lagu soo eedeeyey ayaa ku jawaabey,” Yes, si dadban baan u galay waana kuu dhammaystirayaa”.

“Eedaymo badan baa aniga la ii soo jeediyey, ma ahan hal eedayn waxa xafiiska xeer ilaalintu ii soo jeediyey. anigu kufsibaan galay, waxaa laygu soo eedeeyey kufsi, dil afduub, iyo khalkhal gelin ammaan laakiin anigu kufsibaan galay mudane guddoomiye” ayuu yiri xukumane Cabdifataax.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay inuu wax ka kufsaday Caaisha Ilyaas Aadan haseyeeshee uusan dil geysan uuna arrintaasi ku dhiiri geliyey Cabdishakuur Maxamed oo falku uu sheegay inuu ka dhacay gurigiisa.

“Anigu waxa weeye waxaa iga dhaadhiciyey iguna khasabay inaan galo goob joogna ka ahaado Cabdishakuur Maxamed, kufsigu subax buu dhacay gurigiisuuna ka dhacay, Caaisha isagaa afduubay isagaa gurigiisa geeyey anigana waa uu isoo wacay keliya” ayuu yiri Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame.

“Cabdishakuur isagaa isagaa ii yeeray gurigiisaana ugu tegey dabadeed waxaan ugu tegey isagoo qolkiisa irid banaanka ah ku haysta Caasho ayna u xirxiran tahay, dood dheer kadib wuxuu igu qanciyey inay yihiin wax fudud oo dhammaanaya, shaydaan baana ii kasbay anigu kufsi baan sameeyey gurigana waan ka tegey Caaisha oo nool”, ayuu yiri Cabdifataax.

Waxa uu sheegay in Cabdishakuur Maxamed uu kadib gabadhii diley si uu u ilaaliyo sharaftiisa maadaama uu yahay nin da’ah oo aan laga filan karin waxyaabaha noocaasi oo kale, isagoona sheegay inuu falka kula jirey Aadan Maxamuud Cabdulle oo aan weli maxkamadaha ka soo muuqan.

DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here