Muran ka dhashay Xeerka qoyska Soomaaliyeed

culimo xeer qoys

Xeer qoys oo la sheegay in ay dhawaan diyaarisay dowladda Soomaaliya ayaa muran xoog leh ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay sharcigaas oo ay horay u saxiixday xukuumadda federaalka ee uu hor kacayo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre.

Hindise sharciyeedka ayaa hadda hor yaalla golaha shacabka ee baarlamaanka, kuwaasoo ka doodi doona ka dibna go’aan ka gaari doona ansixintiisa.

Haddii baarlamaanka lagu meel mariyo waxaa u harsanaan doona inuu madaxweynaha qalinka ku duugo, si loo dhaqan galiyo.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay doodda ka taagantahay waxaa ka mid ah da’da qaan gaarka oo culumadu ay aaminsanyihiin inuu sharcigaasi ku micneeyay si ka duwan sida ay qabto shareecada Islaamka.

Sidoo kale xilliga ku haboon guurka gabdhaha ee uu xeerku qeexay ayuu ka taaganyahay muran kaas la mid ah.

Da’da qaan gaarka ee shareecada islaamka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano.

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qaba in da’da qaan gaarka ay tahay 18 sano.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qodobbo ku jira hindise sharciyeedkaas oo ay ku qeexeen mid meel uga dhacaya Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabi Muxammad CSW.

Waxaa shalay bayaan hor leh laga soo saaray shir ay qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo ay si weyn ugu dhaliileen sharciga cusub ee jinsiga – oo ay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha u gudbisay golaha wasiirrada, oo qalinka ku duugay una sii gudbiyay aqalka baarlamaanka.

War saxaafadeedka laga soo saaray kulanka culumada oo ka dhacay masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa lagu akhriyay qodobbo ku jira xeerka oo si toos ah uga hor imaanaya ayaado quraan ah.

Qormada bayaanka ayaa waxaa warbaahinta u soo koobay Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf: “Hindise sharciyeedka ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaankan – ee sugaya in Ia ansixiyo , wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa shareecada islaamka ee ay umadda Soomaaliyeed dhammaantood aaminsanyihiin”.

“Wuxuu uga hor imaanayaa dhaqanka suuban ee islaamka arrimo dhowr ah, sida inuu weerarayo guurkii rasuulkeenna Muxammad CSW, kuna tilmaamayaa xadgudub.

Qodobka 27aad ee xeerka oo ku saabsan guursi carruur, wuxuu u qoranyahay sidan:

•Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi carruur ah, haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaan gaar ahayn.

Faqradda 3aad ee qodobka 27aad ayaa u qoran sidan:

-Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana badneyd 15 sano”.

Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira xad gudubyada galmada.

Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo sii watay hadalkiisa ayaa yiri: “Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi”.

Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ciqaab muteysanayo qof walba oo galmo la sameeya qof kale oo aan raalli ka ahayn.

“Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta oo oggolaansho la’aan xiriir jinsi la sameeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo” ayuu yiri.

Dhanka kale, Culumaa’udiinka ayaa sheegay in diiniyan ay bannaantahay guursiga gabdhaha aan qaan gaarin, balse dhaqanka gogosha uu ku xiranyahay awooddooda.

Sida ku cad bayaankooda, gabadha ayaa la nikaaxin karaa iyadoo aan qaan gaarin, inkastoo markaas ka dib tixgelin la siinayo iney leedahay awood ku filan oo dhanka gogosha ah iyo in kale.

Mid ka mid ah daliillada ay war saxaafadeedka ku soo bandhigeen culumaa’udiinka, oo ku qotoma qodobkaas ayaa ahayd in nabi Muxammad CSW uu Caa’isha ku guursaday da’da 9 sano.

Iyadoo taas laga tix raacayo ayay hindise sharciyeedka ku tilmaameen mid xad gudub ku ah Rasuulkii Alle, maadaama uu ka soo hor jeedo arrin uu isaga sameeyay.

Markii uu dhammaaday kulanka ay shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayey war saxaafadeedkooda dowladda Soomaaliya iyo baarlamaanka uga codsadeen iney dib u eegaan hindise sharciyeedkaas, isla markaana ay ka saaraan qodobbada xad gudubka ku ah shareecada islaamka iyo dhaqanka suubban.

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa horey bayaan uga soo saaray sharcigan, waxayna sheegeen in sharciga wax dhimaal u yahay diinta Islaamka.