Mucaaradka Jubbaland oo sheegay inay dooran doonaan madaxweyne

doorashada jubaland

Musharraxiinta mucaaradka ee Jubbaland ayaa sheegay inay dooran doonaan madaxweyne Khamista nagu soo aadan isla markaasna musharraxiinta madaxweyne ay maalinka berito ah ay khudbadaha ka hor jeedin doonaan baarlamaankii ay dhawaan soo magacaabeen.

Hadalka mucaaradka ayaa imaanaya xilli guddiga doorashooyinka Jubbaland ay shaaca ka qaadeen in Khamiista ay dhici doonto doorashada madaxweynaha.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa ka biyo diidsan geeddi u socodka doorashada Jubbaland, waxaa ay dhawaan soo magacaabeen waxa ay ugu yeereen ‘Baarlamaanka labaad ee Jubaland’.

Dhawaan ayay aheyd markii wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland ka codsaday in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka.

“Haddii Guddiga doorashada uusan wax ka qaban arrimaha taagan ee ay ka walaacsanyihiin dhinacyada ay quseyso, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu intaasi ku daray James Swan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here