MAXAMED KAAHIN IYO BAASHE CALI JAAMAC OO KULAN KU YEESHAY LAASCAANOOD

baashecali iyo maxamedkaahin

Waxaa maanta kulan hordhac ah magaalada Laascaanood ku yeeshay Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Kulanka labada masuul ayaa ku soo beegmaya xili xukuumada Somaliland ay ku guuldaraysatay hanashada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, islamarkaana ay colaad ba,ani ka aloosan tahay Magaalada Tukaraq, sidoo kale la saadaalinayo in dagaaladu sii xoogeystaan todobaadyada soo socda, taasoo sii holcin doonta degaamadaas.

Wax faahfaahin ah lagama bixin kulanka labada masuul, laakiin waxaa hubaal ah in Madaxweyne Muuse Biixi u baahan yahay cidii ka saari lahayd xaalada adag iyo colaadaha ka soo wajahay Bariga Somaliland, iyadoo haddii dagaalo cusubi ka bilowdaan degaamadaas ay banaanka u soo baxayso dhaliisha iyo fashilka siyaasada Xukuumadda, iyadoo Badhasaabkii ugu dambeeyey dhowaan xukuumadu Magacowday CABDIRASHIID XUSEEN GARGAAR hungo laga taagan yahay.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya inay mar kale ku balansan yihiin kulan kale.

BAASHE CALI JAAMAC AYAA AH SIYAASI KALSOONI BALAADHAN KU LEH BEESHA DHEXDEEDA, ISLAMARKAANA WAX BADAN KA SOO QABTAY SOMALILAND OO AY UGU DAMBEYSAY SHIRARKII AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYEY.