Mareykanka oo soo riday diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay

markab dagaal uss boxer

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidammada badda ee waddanka Mareykanka ay marinka Hormuz ku soo rideen diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay.

Waxa uu sheegay in markabka USS Boxer “uu isdifaacay” Khamiistii kaddib markii diyaarad aanay cidina wadin ay u soo jirsatay 1,000 yaardi.

Iiraan ayaa sheegtay in aanay wax war ah u ahayn in diyaarad aanay cidina wadid ay ka burburtay. Bishii Juun, Iiraan ayaa waxa ay soo ridday diyaarad aanay cidina wadin oo uu leeyahay milateriga waddanka Mareykanka oo isla aaggaas maraysay.

Goor sii horraysay, Tehraan ayaa waxa ay sheegtay inay qabatay “markab ajnabi ah oo nooca shidaalka qaada ah” iyo 12 shaqaale ah oo saarnaa oo Axaddii shidaal si qarsoodi ah kaga saarayay Gacanka.

Mareykanka ayaa Iiraan waxa uu ku eedeeyay in marinka maraakiibta caalamiga ah ay ku weerrareen maraakiib shidaal qaada tan iyo bishii May. Tehraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay soo shaacbixiyeen cabsida ah in qulqulatooyin milateri ay gobolkaasi ka dhacaan.

Muxuu Madaxweyne Trump sheegay?

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ayuu Trump yiri: “Waxaan doonayaa inaan qofwalba u sharaxo dhacdo maanta ka dhacday marinka Hormuz oo uu ku lug leeyahay markabka dagaal ee USS Boxer.

“Markabkan Boxer ayaa waxa uu iska difaacay diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay taas oo aad ugu soo dhawaatay, masaafo dhawna u soo jirsatay, qiyaastii 1,000 yaardi, iyadoo diyaaraddu iska dhegatirtay baaqyo ahaa inay degto sidaana ay halis ku galisay badqabka markabka iyo howlwadeennadii saarnaaba. Si degdeg ah ayaana diyaaraddaasi lagu burburiyay.

“Tani waa tallaabadii daandaansi iyo cadawtinimo ee ugu dambaysay oo ay Iiraan ku qaadday maraakiib ka howlgalaysay biyaha calaamiga ah. Mareykanka waxa uu xaq u leeyahay inuu difaaco askartiisa, qalabkiisa iyo danahiisa.”

Washington ayaa goor sii horraysay waxa ay sheegtay in Iiraan ay qasab tahay inay si degdeg ah ku sii dayso markab shidaal qaada oo ay sheegtay inay qabsatay.

Warbaahinta qaranka Iiraan ayaa waxa ay soo xigatay Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegaya in markabku uu waday hal milyan oo litir oo shidaal ah oo qarsoodi halkaas loogaga saarayay.

Warbaahinta qaranka ayaa markii dambe waxa ay daabacday muuqaal laga duubay doonyo dheereeya oo ay Iiraan leedahay oo ku dulwareegaya markab ku socdaalayay calanka Panama.

Markabka ayaa waxaa lagu qabtay koonfurta jasiiradda Larak ee Iiraan, sida ay Iiraan sheegtay.Image captionCiidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan oo gaafwareegaya marinka Hormuz

Arrintan maxay salka ku haysaa?

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay Gacanka tan iyo markii Mareykanka uu adkeeyay cunaqabataynta uu ku soo rogay shidaalka Iiraan kaddib markii uu kaligii isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee taariikhiga ahaa.

Mareykanka ayaa waxa uu Iiraan ku eedeeyay inay laba weerrar oo kala duwan ku qaadday maraakiib shidaal qaadda oo mararay Gacanka Caamaan bilihii May iyo Juun, eedahaas oo ay Tehraan iska fogaysay.

Iiraan ayaa sidoo kale soo riday mid kamid ah diyaaradaha dusha kala socdo amniga gobolka xilli ay mareysay marin biyoodka Hurmuz, xukuumadda Tehran waxay sheegtay in diyaaraddaas ay kusoo xaadgudubtay hawada Iiraan, wixii dhacdadaas ka dambeeyay “Waxay farriin cad u dirtay Mareykanka.

Waxaa gobolka ka taagaan xiisad kale oo u dhexeexysa Iiraan iyo Ingriiska kaddib markii Iiraan ay ku hanjabtay inay gacanta ku dhigi doono mid kamid ah maraakiibta Ingiriiska si ay uga falceliso markaabkeedii ay ciidammada Ingiriiska uga qabteen xilli uu marayay gacan biyoodka Gibraltar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here