Mareykanka oo abaal marin weyn guddoonsiiyay Imaam masaajid

imaam masjid nigeria

Mareykanka ayaa abaal marin weyn guddoonsiiyay Imaam u dhashay dalka Nigeria oo badbaadiyay 262 qof oo Kristaan ah kaddib markii ay weerar kusoo qaadeen dabley xoolo dhaqato ah.

Imaamka ayaa waxaa uu dadkan aaminsan diinta Kiristaanka gabaad ka siiyay masaajid uu maamulayay iyo gurigiisa oo ku yaalla dalka Nigeria.

Abuubakar Cabdullaahi oo 83 jir ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay abaal marinta caalamiga ah ee xoriyadda diimaha. waxaana sidoo kale abaal marintaas la siiyay afar qof oo kale oo ka kala soo jeeday dalalka Suudaan, Brazil, Ciraaq iyo Qubrus.

Imaam Cabdullaahi ayaa badbaadiyay dadkan Kiristaanka ah xilli ay ka cararayeen dagaallo ka dhacay deegaanka Barkin Ladi oo hoostago gobolka Plateau bartamaha Nigeria.

In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay weerarkaas lagu bartilmaameedsanayay bulshada Kiristaanka Nigeria balse Imaamnkan ayaa xaaladda soo farageliyay si uu badbaadiyo nolosha dadkaas.

Imaamka ayaa BBC u sheegay in afartankii sanno ee lasoo dhaafay uu ka shaqeynayay badqabka dadka rumeysan diinta Kiristaanka ee ku nool deegaankaas.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Michael Pompeo ayaa abaal marinta guddoonsiiyay Imaam Cabdullaahi, waxaa uu yiri “Waxaa uu naftiisa halis u geliyay badbaadinta dad aaminsan diin kale,kuwaaso la dili lahaa haddii aysan tallaabada uu ku dhaqaaqaya Imaamka”

Abuubakar Cabdullaahi ayaa hadda ka hor waxaa abaal marin sharafeed guddoonsiiyay madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here