Madaxweyne Xaaf oo ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug

xaaf galmudug madaxweyne

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug, islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay mudaddii uu xilka hayey sida uu hadalka u dhigay lugaha lagu dhigay, laakiin haddii uu heli lahaa madaxbannaani uu ku shaqeeyo Galmudug uu gaarsiin lahaa meel wanaagsan.

“Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Maalmihii ugu danbeey waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug oo la filayo in dhowaan ay doorasho ka dhacdo.

Khilaaf muddo dheer soo taagnaa kaddib Xaaf ayaa heshiis la galay dowladda Soomaaliya wixii xiligaa ka danbeeyeyna waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here