MADAXWEYNE MUUSE WAXAA LOOGA FADHIYAA INUU MEEL SAARO MASUULIYADA MASHAQADII IYO FADEEXADII DAGAALKII DHUMAY

mashaqadii dhumay

Waxaa mahadnaq mudan shucuubta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan sidii ay ugu xumaadeen dhimashii, dhaawacii iyo khasaarihii foosha xumaa ee ka dhacay degaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, waxaa si gaar ah xusid u mudan Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe M Cumar iyo shacabkiisu gurmadkii iyo dhiig joojintii ay sameeyeen, iyagoo aakhirkiina Gogol nabadeynta dhigay Magaalada Jigjiga.

Waxaa eedayn mudan Xukuumadda Somaliland oo ka baaqsatay kaalinteedii iyo doorkii laga filayey, iyadoo taariikhda noqotay markii ugu horeysay ee Somaliland ku filaan weydo nabadeynta degaan ay gacanta ku hayso.

Waa arin iska caadi ah in khalad dhaco ama masuuliyiin ay xilkoodii sidii laga rabay u gudan waayaan, sidoo kale dayacaadu waa mid joogto ah oo maalinle ah, laakiin waxaa xumaan iyo gef ah in cidii khaladka geysatay ama masuuliyadeedii dayacday talaabo laga qaadi waayo ama khaladkii laga dhigo wax iska caadi ah.

Maaha wax la qaadan karo in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu meel saari waayo masuuliyada dayacaadii dhalisay mashaqadii iyo fadeexadii Dhumay, waxaana ku waajib ah.

1. In la baadhaa nabadeyntii ay hogaaminayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Khaahin, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Cadde iyo Badhasaabka Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), oo loo tirinayo hishiis hoosaaso.

2. In suaalo laga weydiiyaa Maxmaed Khaahin, Baashe Maxamed Cadde, Xildhibaan Dhakool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar) xogtii ay ka hayeen weerarkii Dhumay lagu qaaday iyo u diyaargarowgiisii.

3. Sababtii Ciidamada Somaliland Dhumay looga qaaday iyo cidii ka dambeysay iyo dagaalka ka dib sababta laysaga indho tiray, iyadoo kasii xumaan lahayd haddii aan Madaxweyne Mustafe M Cumar u soo gurman.

Haddii Madaxweyne Muuse Biixi uu daboolo masuuliyada dhibtii iyo fadeexadii Degaanka Dhumay ka dhacday, xubno badana ay galaafan weydo, waxaa xaqiiq noqonaysa eedayntii ahayd in Somaliland labada dhinac isku hubaysay, iyadoo uga jeeda QAYBI OO XUKUN, waxaana masuuliyadeeda qaadanaya Madaxweynaha.