Madaxweyne Muuse oo kulan taariikhi ah la yeeshay xubno ka socday DF Somaliya

madaxweyne muuse iyo wasiirada federal

Sida ay qorayaan baraha bulshada iyo websiteyada Soomaalidu waxaa Makka Mukarama kulan ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin ka socota Dawladda Federalka Soomaaliya.

Haddii kulankani uu rumoobo wuxuu noqonayaa talaabo taariikhi ah oo uu Madaxweyne Muuse Biixi qaaday, WAANA DIB U GURASHO XEEL DAGAAL OO UU DIB UGU QAABAYN KARO SIYAASADIISA KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERAALKA IYO WADAHADALADDA.

Waxaa xaqiiq ah oo aan daah saarnayn in mudada labada sano ku dhow ee Muuse taladda hayey ay siyaasadaha gudaha iyo dibada ee Somaliland ay hoos u socdeen, goaamadiisana ay ka muuqato fudayd iyo caadifad aan somaliland ku sii socon karin.

Madaxweyne Muuse waxaa keliya oo u banaan inuu qaado talaabooyin ad adag oo hogaamineed sida;

Inuu Dib-u-gurasho xeel dagaal ku sameeyo dagaalka maalin walba soo xoogaysanaya ee Dawladda Federaadlka Somaaliya, dibna u qaabeeyo qorshe balaadhan oo uu kaga hortegayo, weji wadahadal ku abuuri karo, beesha caalamka ku soo jiidan karo, kuna gar heli karo.

Inuu xooga saaro arimaha gudaha iyo adkeynta midnimadda Somaliland oo iminka ah dacaya ugu weyn ee Somaliland wajahday waqtihii uu talada hayey, dhameeyo dhamaan colaadaha ka jira gudaha beelaha oo xukuumadiisu ku fashilantay.

Inuu isbedel balaadhan ku sameeyo xukuumadiisa tayada daran, kana tanaasulo dhaqanka ka muuqday ee ku salaysan yaan hadal kugu soo celin karin, oo uu u guuro yaa wax kugu kordhin karaa.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Muuse Biixi garto in talada dalka isaga loo doortay, dariiqii uu u arko madhalayna uu markuu doono ka leexan karo, islamarkaana aanu u nuglaan eedeymaha aan waaqica ku salaysnay ee loo soo jeedinayo, talaabadda uu maanta qaaday oo u muuqata qorshe cusub oo uu ku wajahayo Dawladda Federaalka Somalia waa talaabo geesinimo leh oo hoos u dhigaysa dagaalka faraha badan ee kaga socda, suurtogalnimada weji isu soo dhowaansho iyo wadahadal.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa weheliyey Wasiirka Arimaha Gudaha SL Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka Dawladda Federalka Soomaaliya ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here