MADAXWEYNE MUUSE MUXUU UGU SINAAN WAAYEY XAFLADAHA QALIN-JEBINTA JAAMACADAHA SOMALILAND

Muuse camuud

Dalka Somaliland waxaa ka jira Jaamacado fara badan oo tartan adagi ka dhexeeyo, sanadkiina ay ka qalin jebiyaan kumanaan Arday, iyadoo ay Jaamacaduhu qabtaan Xaflado Qalin-jebineed oo Madaxda Somaliland uga qaybgalaan sida ay u kala galaangal badan yihiin.

In Madaxweynaha Somaliland uu ka qayb galo xaflada qalinjebinta waxay Jaamacadaas u noqotaa sharaf iyo nooc xayeysiis ka mid ah, islamarkaana waxay dhiirigelin iyo guubaabo u tahay ardayda Jaamacadaas ka qalin jebisay, halka Jaamacadaha aanu Madaxweynuhu tegina ay dareemaan hoos u dhac, sidoo kalena ay nijab jab ku noqoto ardayda qalin-jebinaysa.

Mudadii uu Madaxweyne Muuse Biixi talada Somaliland hayey waxaa xaflado qalin-jebineed sameeyey dhowr Jaamacadood, kuwaas oo uu qaarkood ka qaybgalay, qaarka kalena aanay awelba rajo ka qabin inuu u yimaado.

JAAMACADA CAMUUD:

Xafladii Qalinjebinta ee Jaamacada Camuud Madaxweyne Muuse Biixi waa ka qayb galay, waxayna Ardayda iyo Jaamacadaba u ahayd guul iyo Dhiirigelin.

JAAMACADA HARGEYSA:

Madaxweynuhu wuu ka qaybgalay, wuxuuna ka jeediyey hadalo dhiirigelin ah.

JAAMACADA BURCO:

Madaxweyne Muuse kama qaybgelin Qalin-jebintii Jaamacada Burco, waxayna ahayd mid ay aad uga xumaadeen shacabka, Ardayda iyo Maamulka Jaamacadu, iyadoo bedelkiisa uu ka qaybgalay Agaasimaha Madaxtooyada kaasoo Ardayda ku dhiirigeliyey inay tahriibaan.

JAAMACADAHA LAASCAANOOD:

Madaxweynuhu kama qaybgelin, markii horena ma sugeyn.

JAAMACADA CEERIGAABO:

Madaxweynuhu kama qaybgelin, waxayna sii kordhisay dildilaacyadii ka dhashay doorashadii Somaliland.

JAAMACADA GOLIS:

Madaxweyne Muuse ayaa si kedeis ah uga qayb galay xafladii Qalin-jebinta ee Jaamacada Golis, weliba waxaa arin layaable ahayd in iyadoo uu Xafladu joogo Madaxweyne kuxigeenku uu Madaxweynuhu ka dul dhacay, arintaas oo dadka badankiisa ugu muuqatay inuu jiro xidhiidh hoose oo u dhexeeya Maamulka Jaamacada iyo Madaxweynaha.

MADAXWEYNE MUUSE MA KA QAYBGELI DOONAA JAAMACADA ADMAS?

Todobaadka soo socda maalinta Isniin Jaamacada ADMAS oo laga leeyahay Dalka Ethiopia waxay qaban doontaa xaflad qalinjebineed oo ugu yaraan ay 600 oo arday oo reer Somaliland ahi ay shahaado Caalamiya ku qaadan doonaan, taasoo dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Muuse uu dhiirigelin iyo guubaabo u sameyn doono Ardaydaas.

Inkastoo ay Madaxweynaha sharaf iyo fursad u tahay inuu kumaan dhalinyaradii wadanka ah uu siyaasadiida iyo waxqabadkiisa ka hor sheego, haddana dadka badankiisu waxay aaminsan yihiin inaan Madaxweyne Muuse Biixi aanu farxadaas la qaybsan doonin boqolaalkaas arday oo laga yaabo inay aad ugu hanweynaayeen guushii uu ka gaaray Doorashadii Somaliland.

Sidoo kale waxaa suurtogal ah in aanu ka qaybgelin Wasiirka Waxbarashadu Somaliland, maadaama ay caado tahay in ka qaybgalgalka Madaxdu ku xidhan yahay sida Madaxtooyada loogu kala galaangal badan yahay, taasoo kutusaysa inaan hambalyada Ardayda loo tegin.