MADAXWEYNE MUUSE MA BAKHTI AFUUFI KARAA HESHIISYADII FASHILMAY EE AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE?

mmuuse mxaashi baashe

Dhamaan xubnaha ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku jira Golayaasha Somaliland ayaa ah kuwo ku fashilmay inay hantaan taageerada degaamadii ay ka soo jeedeen ee ay 27 sanadood ku hilbo qaybsanayeen.

Degaamada SSC waxaa ka taagan xaalad cakiran oo dagaal, kaas oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland, iyadoo todobaadka soo socda la filayo inuu bilowdo dagaal kuwii hore ka xoog iyo khasaare badan, mudo dheerna socda.

Dagaalkaas guushiisu waxay raaci doontaa, hadba dhinacii kasbada taageerada shacabka SSC, kuwaas oo hadda u janjeedsaday dhinaca Puntland, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay kumanaan ciidan iyo calaf ah oo ka soo jeeda degaamada SSC ay si aan kala joogsi lahayn ugu sii qulqulayaan dhinaca Puntland.

MAXAA SOMALILAND KA KHALDAMAY?

Waxkasta oo ka khaldama midnimada Somaliland waxaa masuuliyadeeda leh hogaamiyeyaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Dhexe (Isaaq), kuwaas oo talada iyo goaanka kama dambeysta gacanta ku hayey 27 sano ee Somaliland jirtay, islamarkaana ku guuldaraystay inay dhameystiraan qabyadii dhinayd iyo midnimada, gaar ahaana Degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxay diideen in heshiis la wadagalo, waxay iska fogeeyeen cidkasta oo soo jeedisa in wax la wada yeesho inta aanu imanin dagaalka midnimada Soomaaliyeed, waxay goleyaasha ka buuxsadeen dad ma yeedhaan ah oo aan wax taageero ah ka haysan degaamada, kuwaas oo u badan qaraabo iyo xidid, kuraasta qaarna iyagaa boobay, kuraastii ugu saraysay iyo xisbiyadii way isku koobeen, qaybi oo xukun waxay noqotay arin caado ah. Marka laysku soo koobo xaalkoodii wuxuu noqday aniga talinaya, qaadanaya, lehna.

WAXKASTA OO KA SOO CUSBOONAADA DEGAAMADA SSC WAA MIDHIHII IYO TACABKII SIYAASIYIINTA IYO HOGAAMINTA BEESHA DHEXE, WAXAANA LA GAADHAY WAQTIGII AY ISUGU MID NOQON LAHAAYEEN BOOYAD IYO BAJAAJ KII LOO DIRAABA.

MADAXWEYNE MUUSE MA BAKHTI AFUUFI KARAA HESHIISYADII FASHILMAY EE AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE?

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa magaalada Hargeysa laga hadal hayey in dib loo bilaabo Heshiisyadii Awrboogays iyo Adhicadeeye, iyadoo ay dabada ka riixayaan kuwii dhabarjebiyey BAASHE CALI JAAMAC ee heshiisyada fashilintooda loo adeegsaday, kuwii taageero laàantoodu keentay in Kulmiye lagaga adkaado degaamadaas, kuwii bishii hore Laascaanood loo diray, ee soo kordhiyey inay caruurtii iyo dumarkii jeelasha ku guraan, Somalilandna ceebtii siyaasadeed ee ugu xumayd u soo hooyey, islamarkaana sahlay in taageeradii shacabku u wareegto Puntland.

ADHI DAASAD KAMA ILBAXO, iyagu eed ma leh ee waxaa la yaab leh dadka marba riwaayada cusub loo soo alifayo. Somaliland 8 january 2018 ayey ka gudubtay marxaladii guulwadeynta iyo khiyaaliga, haddii dareen jiro xubnaha ku fashilmay degaamadoodii ee SSC way dhuuman lahaayeen, laakiin Indha adayga ayaa Somaliland caado ka noqday.

XAQIIQADU WAXAY TAHAY HESHIISYADII AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE SOMALILAND AYAA KA BAXDAY, BEELIHII LA GALAYNA WAA LA QAATEEN, LAMANA BAKHTI AFUUFI KARO, MAANTA IN MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ISKU DAYO INUU SOO NOOLEEYO WAXAY MUUJINAYSAA IN ALBAAB WALBA SOO XIDHMAY OO DIB LOO RAACAYO RAADADKII HORE, 5 QOF OO MADAXWEYNE SIILAANYO U XILSAARAY DHAMEYSTIRKA HESHIISYADAAS AYAAN MAALIN QUDHA SOO HADAL QAADIN, HADDII MAANTA LA DHAQDHAQAAJIYO WAXAA LALA XIDHIIDHINAYAA DAGAALKA GOBOLKA SOOL IYO OLOLAHA MIDNIMADA SOOMAALIWEYN EE MUQDISHO KA SOCDA.

Sikasta oo ay tahayba Madaxweyne Muuse Shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn talo iyo tusmo toona ugama baahna, waayo? haddii wax kaga xidhan yihiin ama uu u baahan yahay intii aanu ciidamada Tukaraq geynin buu la hadli lahaa, iyaguna maanta oo shacabkii degaanka Tukaraq barakacay, Puntland uu dagaal la galay, Somaliweyn iyo Federaalkiina ay ka dhextaagan tahay, sabab ay wadahadal u daba ordaan ma jirto, rabitaankooda siday u muujin lahaayeena waa waajib saaran, Madaxweyne Muusena waxaa Talo iyo taageero ugu filan kuwii markii horeba kula taliyey tegista Tukaraq.

Run ahaantii waxaa haboon in cid waliba iimaansato wixii uga soo baxa colaada Gobolka Sool ka bilaabantay oo mudo dheerna socoto.

SHACABKA SSC WAXAY MADAXWEYNE MUUSE KA SUGAYAAN INUU XUDUUDKA SOO XIDHO, SOOMAALIYANA CASHAR U DHIGO, QOLADA DAAROODNA AWOOWEYAASHOOD IYO AABEYAASHOOD KA DABA GEEYO, LAAKIIN SOO HADAL QAADKA IYO BAKHTI AFUUFKA HESHIISYADII FASHILMAY EE AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE WAA MID AAN LOO FADHIYIN.