M Kuxigeen Camey: Gaas isagaa Xamar iiga wicid badan, waxa uu wadana looma dulqaadan karo

gaas iyo camay

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo waraysi bixiye ayaa si kulul uga hadlay magacaabidii C. Wali Gaas uu magaacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada Puntland.

Camey ayaa sheegay in Gaas markii uu magacaabayey guddiga uusan wax waddatashi ah la samayn asaga oo ah Madaxweyne Kuxigeen Puntland, Hoggaanka Barlamaanka, waxgaradka Puntland, iyo waliba odayaasha dhaqanka. Arrinkaas ayuu Madaxweyne Kuxigeen Camay ku tilmaamay in uu yahay mid aan maanta Puntland looga dulqaadan karin.

Camay ayaa sheegay in markii uu arkay la tashi la’aanta Madaxweyne Gaas uu asagu latashi la sameeyey musharrixiinta xilka madaxweyne ee Puntland iyo waliba odayaasha dhaqanka Puntland, uuna hadda magacaabay guddi sax ah oo loo dhanyahay. “Tallaabada aan qaaday waa mid lagu qanci doono, balse tan Madaxweyne Gaas uu sameyeey ma aha mid lagu qanci karo,” ayuu yidhi Camey.

Madaxweyne Kuxigeen Camey ayaa sheegay in khilaafkan uusan waxba u dhimi dooniin doorashada Puntland ee bisha Janaayo 2019, isla markaana uu rajaynayo in khilaaf oo dhan xal loo heli doono.

Isagoo ka hadlayey Eedaynta Gaas ee ahayd in Xamar laga soo Abaabulay ayuu yidhi “Dadka reer Puntland waxaan u sheegayaa; Puntland baan Madaxwayne ku xigeen u ahay. Xamar uma shaqeeyo, Wallaahi shaqo kama raadsan, lacag kama raadsan, waxkale oo aan ka raadsadayna ma jirto, wax aan ku qabana ma jirto, aniga iyo Gaas isagaa igaga wicid badan Xamar”.