KOOX SHEEGATAY AQOONYAHANADA SSC OO HARGEYSA QADHAABASHO KA BILAABAY

ugaadhsato

Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa xafiisyada Dawlada ee caasimada Somaliland wareegaalaysanayey koox sheeganaysa aqoonyahana degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo laga soo weriyey inay isu xilsaareen dhexdhexaadinta degaamada SSC iyo Somaliland.

Kooxdan oo aanay jirin cid dirsatay iyo degaan ay metelaan ayaa isu baahaystay sidii ay qadhaab uga heli lahaayeen Xukuumadda Somaliland, kadib markii ay u muuqatay in Xukuumadda Somaliland ku fashilanta Gobolada Barriga iyo colaada aan dhamaadka lahayn ee Tukaraq.

Masuuliyiinta Goleyaasha Somaliland kaga jira SSC ayaa laga quustay inay degaamadooda wax ka soo qabtaan, waxayna hadda kaga ururtay in NGO.yo iyo shirkaddo u shaqeeya ay mashaariicda degaamadaas laga qabanayo u dhiibtaan, iyagoo hada godoon ka ah degaamadoodii.

Gebagebadii xaalada maanta degaamada SSC ku sugan yihiin ayaa ah mid cidkasta oo qadhaab soo heshaa aanay waxba ka bedeli karin, kooxdan Aqoonyahanada sheegatayna waxay u egyihiin inay ku hungoobi doonaan isku daygooda.