Kheyre ma waxa uu jiiray xudduudaha aan la qirsanayn ee gudaha Soomaaliya?

kheyre gaalkacyo

Maxkamadda ugu saraysa ee caddaalada adduunka waxaa horyaala dacwad ay geysey Soomaaliya, taas oo ku saabsan muran ka taagan xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Balse taas ma ahan welwelka kaliya ee ay tahay in ay ka fikiraan madaxda dowladda federaalka sida uu sheegayo Prof Xuseen Macalin Iimaan oo ah falanqeeye siyaasadeed, wuxuuna qabaa in ay jiraan xudduudo dalka gudihiisa ah oo ay tahay in dowladda ay si uun u maareeyso.

Dhowaan markii Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre tagay Waqooyiga Gaalkacayo, kadibna meel fagaaro ah kula hadlay dadweyne badan oo isu soo baxay, waxaa arrintaas dhaleeceeyey dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa yiri “Ra’isulwasaaraha waxa uu si cad u hareer maray hanaankii aan u dajinay, wuxuuna yiri aniga hanaan raaci maayo, umana socdo in isimo , iyo odayaal la kulmo, waxaan u socdaa in aan dhalinyaro la kulmo”.

Wuxuu intaas ku daray in Ra’isulwasaaraha uu qas iyo foowdo ka sameeyay gudaha Puntland, islamarkaasna gacan dhaafay maamulka.

Prof Xuseen ayaa qaba in madaxda sare ee federaalka oo kaliya aysan ahayn kuwa caqabadaha ay ka qabsadaan marka ay tagaan deegaanada ay maamul goboleedyada ka taliyaan, wuxuuna yiri “Arrintaas waa arrin jirta , kana mid ah waxyaabihii nagu soo biirey 30-kii sanno ee lasoo dhaafay, in xuduudaha aan jirin ee beenta in la abuurto, dhibaatooyinka jira ee kale waxaa ka mid ah in dad shaqo u aaday oo dowladda dirtay, oo wasaaradoodii shaqo u dirtay, meel tagay, kadibna gobolkii ay tageen laga soo musaafuriyay sidii dal ajnabi in ay tageen oo kale”.

Madaxda federaalka ma tahay in ay u idin qaadato tagista dalka gudihiisa?

Dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah qaarkood waxaa ka dhaxeeya khilaaf ragaadiyay xiriirkoodii, oo xitaa kaliya aan ku ekeyn arrimaha gudaha, ee sidoo kale waxa ay xitaa isku maandhaafeen arrimaha dibedda.

Prof Xuseen Macalin Iimaan waxa uu qabaa in marka laga qiyaas qaato jawiga siyaasadeed ee hadda dalka ka jira, in Ra’iusulwasaaraha uu sameeyay qamaar, wuxuuna yiri “Arrintaas waxay ka mid tahay xero-taraarka siyaasadeed dadka madaxda ay sameeyaan marka aysan aad ugu caddeyn moowqifka maamulka ay la macaamilayaan iyo xiriirka dadweynaha iyo maamulkaas ka dhaxeeya, waa nooc qamaar ah, natiijada kasoo baxdaana waxay ku xirantahay moowqifka ay ka qaataan odayaasha iyo shacabka intiisa kale”.

Waxa uu intaas ku daray “Ra’isulwasaaraha iyo waftigiisa waxa ay qaateen go’aan ah in iyaga iyo shacabkaa aan loo dhaxaynin, umana arkaan in ay fasax u qaataan in shacabka Soomaaliyeed ay la hadlaan”.

Ra’isulwasaare Kheyre oo dadweyne tiro badan kula hadlayay garoonka Cawaale Liibaan ayaa u muuqday in isla arrintaas uu ka shanqariyay “Shacabka iyo dowladda waa wadnihii iyo beerkii qofka bini’aadamka ah, lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Falanqeeye Prof Xuseen ayaase sharaxaya in shacabka ay jiho wareer badan ka qabaan qaabka federaala iyo halka uu qadka ka xariiqmo “Markii shacabkii dowlad dhexe aqiinay loo badelay arrimo federaal oo aysan aqoonin, warna u haynin, iyo dowlad goboleedyo la tartamaya dowladdii dhexe markii ay abuurmeen xaaladuha waa is badeleen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here