Juxa oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa Madaxtinimada Puntland ee Doorashada 2019

Cabdi Faarax Siciid Juxa

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya, iskamarkaana soo noqdey Wasiirka Waxbarashada Puntland sanadihii 2009-2014, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xalay 09 Augost 2018 ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Puntland ee 2019.

Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe.

“Waxaan isku sharraxay idinka, waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina, waxaan u mahadnaqayaa madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay Wasiirka Waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay inaan soo qabto Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaaliya” ayuu yidhi Juxa.

Mar uu ka hadlayay ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga, isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah.

“Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maraya cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awooda saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran degayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday, hadii madaxtinimada loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xiran sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada.

“Waxaan kala saari doona hay’adaha dawladda sare sida garsoorka, fulinta iyo sharci dajinta. Waxaan idinku meteli doona taariikhdiinna, himiladiina, tabashadiina, maqaamkina iyo miisaankiina,” ayuu Juxa hadalkiisa raaciyey.

Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas.

“Dadka reer Puntland iyo Somaliland waa dad nabad ku nool oo ka shaqeeyay horumarkooda, kana tilmaaman Soomaaliya. Madaxwayne Muuse oo ah nin ciidan ah, garanayana dhibaatada colaada waxaan leeyahay si nabad ah uga bax gobollada Sool iyo Sanaag. Arrintan waxaa go’aankeeda iska leh dadka reer Sanaag iyo Puntland. Muuse biixi oo go’aanka nabadda iyo colaadda gobolladaas gacanta ku haya waxa ka codsanayaa inu nabad uga baxo gobolladaas.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay faraha kula jirto burburinta nidaamka federaalka, sidoo kale ay faraha la gashay Jaahwareer dhinaca arrimaha Dibadda ah, gaar ahaan Canada iyo Sucuudiga oo uu sheegay in xukuumadda Muqdisho aysan wax door ah ku lahayn.

Wuxuu ka horyimid tallaabada lagula saftay Sucuudiga ee looga soo horjeestay Canada oo ku tilmaamay inuu yahay waddan martigaliyay dad Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatadii waddanka ka dhacday.

“Federalku wuxuu ku samaysmay dadaal ay Puntland door wayn ku lahayd. Dhismahiisuna waa mid socda, waxase muuqata dheelli. Dheelligaas oo ah awoodda garsoorka, fulinta iyo kii sharci dajinta oo isku qasan. Taas oo khatar ku ah inay dhacdo dood loo siman yahay oo ku dhacda talo wadaag. Sidoo kale maamul gobolleedada waxaa ka jro faragalinno ay u baahan tahay in wadaddeeda sharciga ah loo maro.

Arrimaha dibadda oo u astaysan dawladda federaalka waxaa ka muuqda qarda jeex oo ay ugu dambaysay khilaafka Canada iyo Saudi Arabia. Labada dal oo mid walba xiriir nagala dhaxeeyo. Eretrtia iyo jabuuti sidoo kale, Qatar iyo Imaraadka. Waxaa la yaabka ah in dawladda federaalka ah ay mar walba dhex gasho kiis walba oo dawladaha adduunka ka dhex dhaca” ayuu khudbadiisii ku sheegay.

Ugu dambayn wuxuu ka digay in DFS ay faragalin ku samayso doorashada Puntland la filayo inay ka dhacdo 2019.