Jubaland oo lagaga dhawaaqay labo baarlamaan oo iska soo horjeeda

calanka jubbaland

Qaar kamid ah musharraxiinta diiddan tallaabooyinka guddiga doorashooyinka ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay magacyada waxa ay ugu yeereen liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubaland.

Musharraxiinta mucaaradka ah ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin hannaanka guddiga doorashada ay kusoo xuleen xildhibaanada.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli xaley guddiga doorashooyinka Jubaland ay shaaca ka qaadeen liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here