Jigjiga looga arrinsaday sida isbadalka Itoobiya looga faa’iidaysan karo

jigjiga2

Magaalada Jigjiga waxaa maanta ka dhacay kulan ay aqoonyahanka deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya kaga hadlayeen dhibaatooyinkii soo maray gobolkaas iyo sidii wax looga baran lahaa.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo qaaday isbedelka cusub ee Itoobiya ka dhacay iyo qaabka ay dadka deegaankaasi uga faa’iideysan karaan.

Hadaba Siraaji Aadan Xasan iyo Maxamed Muxumed Colaad oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankaas ayaa u warramy weriyaha BBC Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.