James Swan oo Puntland iyo Somaliland ugu baaqay inay dejiyaan khilaaf Sool, Sanaag iyo dagaalka Tukaraq

deni iyo james swan

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM,) oo looga warbixiyay socdaalkii shalay uu Garoowe ku yimid wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu amaanay doorka shariifka ah ee madaxdii kala dambaysay ee Puntland ay ka ciyaartay, dib u-dhiska dowlanimada Soomaaliya iyo hirgelinta hannaanka Federaalka tan iyo markii la aas’aasay Puntland sannadkii 1998-dii.

Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal ah. Madaxdeedu waxay dowr muhiim ah ka cayaareen oo ay gacan ka geysteen horumarka socdo ee hanaanka federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay UNSOM.

War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu sheegay, in Mr Swan uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay shaqada hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka hayaan degaannada Puntland oo isugu jira kaalmada banii’aadanimo ee xaaladaha deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee mudada dhexe iyo mudada fog, waxaana lagu xusay in hawlgallada Qaramada Midoobay iyo sanduuqyadeeda maal-gelinta ay gacan ka geysteen dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda Puntland iyo sarreynta sharciga.

Md. Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iyo ku-haboonaanta ay leedahay shaqada bahda QM ay hawlo kala-duwan oo ballaaran uga hayaan Puntland, hawlahaas oo iskugu jira kaalmada bani’aadanimo ee xaaladaha degdega ah ilaa mashaariicda horumarineed ee muddada dhexe iyo muddada fog. Hawlgallada QM iyo hay’adeheeda, sanduuqyadeeda maal-gelinta, iyo barnaamijyadeeda waxay gacan ga geysteen dadaallada ay hay’adaha Puntland ku horumarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan sarreynta sharciga, ku hagaajinayaan horumarinta waaxda hab-nololeedka (livelihood sector), ku fududaynayaan dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo hawlaha kaleba” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu soo qaaday xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag, taasi oo ay shalay ka wada-hadleen madaxweynaha Puntland iyo wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana sida war-saxaafadeedka ku cad uu Mr Swan walaac ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee ka aloosan Sool iyo Sanaag, isagoo madaxda Puntland iyo Somaliland ku boorriyay in ay xal u raadiyaan khilaafkaasi.

DAAWO JAMES SWAN IYO DENI:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here