James Swan: ma taageeri doonno natiijada doorashada Jubbaland ilaa laga xalliyo cabashooyinka

james swan

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland ka dalbaday in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka.

Warqad uu u direy guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland Xamza Cabdi Barre ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu horeyntii loogaga mahadceliyay guddiga go’aanka ay saddex-da maalmood ugu dareen musharaxiinta aan weli isdiiwaan gelinin, muddadaas oo aad u yar marka loo eego doorashada madaxweynaha ee dhacayso 22-ka bishan Ogosto.

James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland.

“Warqaddeenii 8-dda Ogosto aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, oo la isku raacsan yahay, la iskuna haleyn karo, islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubbaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkiisa.

Wakiilka ayaa qoraalkiisa sidoo kale ku sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Haddii Guddiga doorashada uusan wax ka qaban arrimaha taagan ee ay ka walaacsanyihiin dhinacyada ay quseyso, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu intaasi ku daray James Swan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here